Raysal wasaaraha Itoobiya oo ku baaqay dimuquraadiyad furfuran

Addis Ababa, (RH) – Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Ra'iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go'an tahay sidii dalka looga hirgalin lahaa nidaam dimuquraadi ah.

Talaabadan ayaa u horseedaysa dalka ku yaalla geeska Afika in laga oggolaado xisbiyo tartama, laakiin dhammaan kuraasta barlamaaniga waxaa aqlabiyad badan ku leh xisbiga talada haya tan iyo1991-dii.

Isbahaysiga talada haya ayaa sidoo kale hogaaminaya dhaqaalihii ka soo kordhay mid ka mid ah kuwa kale ee ka hooseeya Sahara subagga Afrika tobankii sano ee la soo dhaafay.

Ra’iisal wasaare Abiy Aaxmed Abiyaas ayaa xilka qabtay bishii Abriil, waxaana tan iyo markii xilka uu qabtay uu sameeyay isbeddello kala duwan oo ay ku jirto sii deynta maxaabiista siyaasadeed, soo afjaridda xukunka degdegga iyo nabad ku soo dabbaalidda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea.

Abiy iyo xukuumadiisa ayaa kor u qaadday tallaabada lagu hormariyo dalka, waxaana bishan ay xabsiyada ka siidaayeen maxaabiisbadan, sidoo kale ururo argagixiso ayey xannibaadda ka qaadeen,waxayna u badan tahay in doorasho la qabto sannadka 2020-ka.

Abiy ayaa la kulmay Axaddii madaxda qaanka iyo kuwa goballada Odayaasha sida uu sheegay bartiisa Twitterka ku soo qoray Fitsum Arega oo ah madaxda xafiiskiisa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category