Rugta Ganacsiga JSL Oo Shaacisay Xiliga La-qabanaayo Carwada 8'aad Ee Ganacsiga Somaliland

Hargeysa(RH)Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga,Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md. Ibraahim Ismaaciil Cilmi

 ayaa bulshada iyo Ganacsatada reer Somaliland ugu bushaareeyey in ay 9ka ilaa 15 ka December 2018 Guuleed Hotel Hargeysa, ku qaban-doonaan Carwadii 8'aad ee Caalamiga ahayd,

 

Carwadan oo lagu dhiirigalinaayo wax-soosaarka iyo ganacsiga dalka, ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa, Wax-soosaarka Beeraha, Warshadaha, Xoolaha Nool iyo Adeegyada Guud ee Ganacsiyada dalka ka hana-qaaday.

 

War-murtiyeed uu soo saaray Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Ibraahim Ismaaciil Cilmi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

                                                  War-murtiyeed

Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland, waxa ay Bulshada iyo Ganacsatada reer Somaliland ugu bushaaraynaysaa inay qabanayso Carwadii Caalamiga ahayd ee 8'aad, 

 

Carwadan oo lagu dhiirigalinaayo Wax-soosaarka dalka ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa, Adeegyada Guud ee Ganacsiga dalka, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha Nool , Wershadaha iyo Kaluumaysiga, 

 

Carwadan ayaa waxa ay Rugta Ganacsigu Abaal-marino ku gudoonsiin-doontaaaa Ganacsatada ku guulaysata Xulashada Abaal-marinta Ganacsiga

 

Hadaba Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay Bulshada ugu bushaaraynaysaa inay kasoo qayb-galaan Bandhigyada Carwada 8'aad ee Caalamiga ah oo Lagu Qabandoono Guuleed Hotel Hargeysa, 9 ilaa 15 Dec 2018

 

Dhinaca kale Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay ku wargalinaysaa Ganacsatada ka qayb-qaadanaysa Bandhiga Carwadan Caalamiga ah ee 8'aad in Is Diiwaangalinta Boosaaska   Carwadu xidhmidoonto 30 November 2018, 

 

      Allaa Mahad Leh

Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland

Ibraahim Ismaaciil Cilmi

 

Category