Saanduuqii Madoobaa ee saarnaa diyaaradii ku burburtay Itoobiya oo la helay

Addis Ababa (RH)- Shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa sheegtay in la helay sanduuqii madoowaa ee diyaaradda saarnaa iyo qalab kale oo duuba codadka.

157 qof oo saarnaa diyaaradda 737 Max 8 ayaa gabi ahaan ku dhintay shilkaas diyaaradeed oo dhacay Axaddii shaley.

Illaa shan qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaas diyaaradeed.

Dhinaca kale, madaxa duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airlines Gebre Mariam ee lahaa calaamadda diyaaradda dhacday laga joojiyay duulimaadyada.

“Waan joojinay dhammaan diyaaradaha duulimaadkoodu yahay summadda Boeing 737 Max 8 oo ka howlgalayay shirkadda Ethiopian Airlines kuwaasoo mid ka mid ah shaley ay shil gashay, waxaan sidaas u sameenay in aan taxadaro mana la xiriirto ciladda dhacday”ayuu yiri madaxa duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airlines Gebre Mariam.

Khuburo ka socda Itoobiya iyo Kenya ayaa ku howlan baaritaanka shilka diyaaradeed, waxaana ku wehlinaya kooxo ka socda Maraykanka, Canada, Shiinaha, Israel.

Ugu yaraan 20 qof oo ka mid ahaa rakaabkii la socday diyaaradda burburtay ayaa ka qaybgali lahaa shirka sannadlaha ee looga hadlayo arrimaha deeganka ee QM oo maanta ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category