Sacuudiga u hadal hayaan sheekada haweeneydan ka tirsan ilaalada boqortooyada?

Sawirka haweeneyda ka tirasan saraakiisha ilaalada Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday mid ay aad u hadal hayaan dadweynaha sacuudi Carabiya ee baraha bulshada isticmaala, waxaana uu horseeday falcelino kala duwan oo u dhaxeeya taageerayaasha in dumarka ay qeyb noqdaan saraakisha sar-sare ee ammaanka iyo mucaaradka diidan fikraddaasi.

Dood kulul oo uu horseeday sawirka haweeneyda ayaa bilaabatay, ka dib markii uu daabacay Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Bin Khaled Al Saud.

 

Sawirka muranka badan abuuray ayaa muujinaya haweeneey xiran dareeska ilaalada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu bar-bar taagan yahay askari kale. Waxay taagnaayeen albaabka goob la aaminsan yahay iney tahay gudaha Qasriga Boqortooyada ee magaalada Riyaadh.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa soo dhaweeyay fikradda ah in haweenka ay ka mid noqdaan Ilaalada Boqortooyada sida ragga oo kale, waxayna qorshahaasi ku tilmaameen mid-waangsan oo dhiira-gelin u ah guud ahaan dumarka.

zzzzx

Waxay sheegeen in tallaabadani ay sidoo kale bulashada u horseedeyso sinaanta jinsiga.

Macluumaadkan lama heli karo

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka adeegsada barta Twitter-ka ayaa ka soo horjeestay fikrada ah in haweenka ay ku biiraan gabi ahaanba ciidamada ammaanka halka qaar kalana ay ku doodayaan ineysan sinaan ahayn haddii haweenka lagu daro ciidamada Ilaalada Boqortooyada.

Dadka qaar waxay aamisan yihiin in Sacuudi Carabiya aysan weli gaarin heerkii ay ku ogolaan lahayd in haweenka ay ku biraan ciidamada amniga sababtoo waxay aaminsan yihiin in tallaabadaasi ay ka so horjeedo caadada iyo dhaqanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sannada ka hor, dhaxal-sugaha Sacuudiga Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa isku dayay inuu hagaajiyo sumacadda dalkiisa ee caalamka isagoo bilaabay olole ku aaddaan hiigsigiisa 2030-ka, kaasi oo dad badan u arkeen inuu amiirka isbadal badan sameyay oo ay inta badan ka faa'iideen haweenka Sacuuudiga. Waxay heleen xornimo iyo dhaqaaq aysan markii hore haysan.

 

isha warka . BBC

Category