Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland Oo kala Saxeexday Heshiis ka Kooban 8 Qodob

Hargeysa(RH)Shir ballaadhan oo ay maanta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan saddexda xisbi qaran, ayaa lagu soo afmeeray guud ahaanba caqabadihii iyo murankii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana laga soo saaray qodobbo heshiis ah oo lagaga gudbayo caqabadahaas.

 

Shirkan  ayaa la iskula gartay in  soo jeedintii mucaaridka ee kordhinta xubnaha komishanka loo maro dalab ka yimaadda ugu yaraan 11-xildhibaan oo golaha wakiillada ahi, kuwaas oo haddii gole weynuhu ogolaado laba xubnood lagu soo dari doono tirada haatan ee Toddobada ah.

 

Heshiiska saddexda  xisbi qaran ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deeganka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  guddoomiyayaasha xsibiyada WADDANI iyo UCID, wakiilka midowga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo  Soomaaliya  iyo xubno kamid ah saraakiisha ugu sarraysa saddexda xisbi qaran, waxana ay saddexda guddoomiye xisbi muujiyeen sida ay xilka iskaga saarayaan inay doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu talo galay.

 

 

h1h2

 

Category