Waxaa mamnuuc noqday in lagu wado taayirrada xagaaga (sommerdæk) xilliga jiilaalka/barafka.
-
Waxaa lagu ganaaxi doonaa 1,000 DKK halkii taayir haddii lagu qabto.
-
Taayirrada la oggol yahay waa kuwa leh calaamadda 3PMSF (Three Peak Mountain Snowflake) ama taayirrada sanadka oo dhan ee calaamaddaas leh.
-
Boolisku waxay qiimeyn doonaan haddii taayirradaadu ku habboon yihiin xaaladda waddada.
-
Taayirrada xagaaga hadii lagu kaxeeyo baabuurka xilliga barafka waa khatar sababtoo ah:
-
way adkaadaan qabowga,
-
waxay kordhiyaan masaafada bareegga,
-
waxay kordhiyaan halista shilalka.
-
Talo:
-
Isticmaal taayirrada jiilaalka marka baraf jiro.
-
U beddel taayirrada xagaaga marka jiilaalku dhammaado, si aad uga fogaato in aad isticmaasho shidaalka badan.