RH: Haa, waa sharcidarro. Sida ku cad qaybta 263 ee Sharciga Dambiyada ee Danmark, in aan oggolaansho lahayn la eego taleefanka gacanka ee qof kale, ama aad gasho xogta ku jirta, waa dembi. Macnaha, xitaa haddii aad tihiin lammaane ama aad is qabtaan, ma eegi kartid taleefanka gacanka ee lammaanahaaga adigoon oggolaansho ka haysan.
Maxaa Ku Dhici Kara Qofka Sidaa Sameeya?
Qofka dembigan gala waxa lagu ciqaabi karaa ganaax ama xabsi ilaa 1 sano iyo 6 bilood. Laakiin, inta badan oo kiisas ah, qofka waxa lagu xukumaa ganaax maadaama uusan qofku xogta ku xadgudbinayn.
Sababta Dembigan Looga Dhigay Mid Sharci Ah
Professor Nicolaj Sivan Holst oo ah bare ka dhiga sharciga dambiyada Jaamacadda Aarhus, waxa uu arintan u barbardhigay arinta ah in aanad eegi karin warqadaha loogu soo diro qof kale ama aadan gelin karin guriga qof kale oggolaansho la'aan. Wuxuu sharaxay in arintu tahay mid la xiriirta sirta gaarka ah ee qofka, waana sababta ay sharci darro u tahay in la eego taleefanka gacanka ee qof kale.
Waxyaabaha Ka Dambeeya Arintan
Cilmi-baaris cusub oo ay Epinion u sameysay DR ayaa muujineysa in:
-
Mid ka mid ah afartii qof ee reer Danmark ayaa eegay taleefanka gacanka ee lammaanahoodii hore ama ka haatan, iyagoon ogeysiin.
-
33% boqolkiiba dumarka ayaa sidaas sameeyey, halka 17% oo rag ah ay sameeyeen.
Xogtan ayaa tuseysa in dad badan oo lammaane ah aysan isku kalsoonayn, sida uu sheegay paraterapeuten Katrine Axholm, oo leh 20 sano oo khibrad ah. Waxa ay tidhi, in la eego taleefanka gacanka ee lammaanaha waxa ay calaamad u tahay kalsooni la'aan iyo xaalad adag oo ka dhex jirta labada qof. Waxayna dadka ku dhiirrigelisay in ay ka wada hadlaan dareenkooda halkii ay isku eegi lahaayeen telefoonnada.