Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada oo baaqday

Muqdisho (RH)-Waxaa maanta baaqday shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen madaxda federaalka iyo kuwa gobollada ee Soomaaliya, kaas oo uu hore u iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan ayuu qorshuhu ahaa in loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee waddanka.

Si gaar ah shirka waxa diiradda lagu saari lahaa waqtiga dastuuriga ah ee hay'adaha fadaraalka ah ee uu xilligeedu gebagabda ku dhaw yahay.

25-kii bishii June ayuu madaxaweynaha Soomaalia Maxamed Cabudulaahi farmaajo iclaamiyay Shirkan oo lagu waday inuu maanta ka bilwodo magaala madaxda dalka ee Muqdisho inta u dhaxaysa 5-8 bisha July, 2020.

Baaqashada shirkan ayaa waxaa uu noqonaya markii 3aad oo uu baaqdo shir uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore Madaxweynuhu ku baaqay shir, balse ay qaadaceen maamul goboleedyada.

Ilo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu baaqday shirkan yahay in maamul goboleedyada qaar diideen iney yimaadaan Muqdisho oo ay shirka ka soo qeyb galaan balse ilaa haatan ma jiro war rasmi ah oo ka sooo baxay xukuumadda uu hormuudka ka yahay madaxwyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka shirka, kaddib go'aano ka soo baxay Baarlamaanadooda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyadaas ay tabasho ka muujiyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay ku dhaliileen in aanu fulin qodobadii shirkii dhanka aaladda Suum-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada uu ka doodayo Baarlamaanka.

Sidoo kale maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeestay xeerkii mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo uu ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah.

Ilaa haatan lama oga xilliga uu shirkan dhacaya maadaama uu maanata baaqday hase yeeshee waxaa la saadaalinayaa ilaa 10-ka bisha inuu qabsoomo.

khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ayaa muddo soo jiitamayay mana jirto ilaa haatan xal waara oo laga gaaray khilaafkooda inkastoo ay jireen isku dayo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka balse dhammaantood waxay ku soo dhaamaadeen guul darro.

ISHA: BBC

Category