Skovparken: Geerash la jabsadey

RH Kolding: Qof ayaa la kulmey wax aan wanaagsaneyn oo  kayaabiyey kadib kolkii la dhex galay garaashkiisa oo ku yaal Xaafada Skovparken ee magaalada Kolding Arbacadii.

Qofkan oo aanu wargeysku magacaabin ayaa kawaramey waxa uu la kulmey waxaanu sheegay in albaabka garaashkiisa la jabiyay iyo in  kharribaad ballaaran lagu sameeyay mootadiisa oo geerashka dhex taaley.

Sida laga soo xigtay bilayska koonfurta bari ee Yuulland, mishiinkii ayaa la kharibey sidoo kale waxaa la  burburiyey, nalalka, fiilooyinka iyo rinjiga mootada.

Garaashka ayaa sidoo kale la fatashey , laakiin waxba lama xadin.

Category