Soomaalida oo 25 sanno kadib qabatey gudoonka gudida xaafada Skovparken

RH:Kolding: 130 qof ayaa ka soo qeybgalay shir sannadeedkii lagu qabtey Comwell oo lagu doortay gudiga cusub ee xaafada Skovparken , Kullanka oo lagu qabtey Hotelka  Comwell ayaa ahaa mid kaduwanaa shirarkii hore udhicijiray maadaama oo ay kasoo qeybgalayaashu aad uga tirobadan  intii hore looyaqaaney shirka ayaa lagu doortey saddex xubnood oo cusub oo noqondoonaa gudiga xaafada Skovparken dhamaantooda waxay kasoo jeedaan jinsiyado kale oo aan Denish aheyn. 

kasoo qeybgalka iyo doorashada gudiga cusubiba waxay katarjumeysaa nidaamka dimuquraadiyadeed iyo dadka xaafada u badan ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka shariikada guryaha iska leh ee Bovia.

Su’aasha isweydiinta lihi waxa aytahay Gudiga cusubi ma maareydoonaa hasha loo igmadey ee hortaala, jawaabta wakhtiga ayeynu udeyndoonaa.

Category