Sucuudiga oo doonaya in uu laba arimood ka caawiyo Somaliland

RH. Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inay doonayso inay xidhiidh dhow oo cusub la yeelato Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa qoray in dawladda Sucuudigu go’aansatay inay Somaliland ka taageerto laba dhinac oo kala ah arrimaha horumarka iyo arrimaha ammaanka.

Waxaa xidhiidhka uu Sucuudigu doonayo inuu la bilaabo dawladda Somaliland uu qayb ka yahay loolanka u dhexeeya dawladaha Khaliijka, waxaanu Sucuudigu doonayaa inuu saamayn ku  yeesho gobalka Geeska Afrika.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa hore xidhiidh ula bilowday Somaliland, waxaana lagu wareejiyay dekedda Berbera, iyadoo ay UAE saldhig milatarina ka samaysatay magaalada istaraatajiga ah ee Berbera.

Indhaha cusub ee Sucuudigu ku soo eegayo Somaliland, ayaa soo baxay markii ay dhawaan dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo dartay liiska Xujaajta uu Boqorka dalkaasi martiqaado Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo halkaas kula kulmay madax ka tirsan dawladda Sucuudiga oo u badnaa kuwa ammaanka iyo kuwa arrimaha horumarka iyo mucaawinooyinka. Martiqaadka ayaa la soo mariyay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay dalka Djibouti.

 

Wararka waxay sheegayaan in saraakiil amni oo dawladda Sucuudiga ka tirsan iyo kuwa dhinaca mucaawinooyinka ahi  ay madaxweyne-xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah kulamo xog urursi ah la yeesheen, waxaanay u sheegeen weftiga Somaliland inay doonayaan inay xidhiidh aan siyaasad ku salaysnayn oo ku saabsan arrimaha horumarka iyo ammaanka la yeeshaan Somaliland. Laakiin lama hubo in weftiga madaxweyne-xigeenku madaxda Sucuudiga u bandhigeen qorsheyaal ay sii diyaarsadeen oo ay Somaliland doonayso in Sucuudigu wax kala qabto.

Sucuudiga ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wefti u soo diro magaalada Hargeysa, waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay  Hargeysa soo gaadheen wefti hor dhac ah oo ay la socdaan xubno asal ahaan reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Sucuudiga.

Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inay dalka Qatar ka xidhaan inuu saamayn ku yeesho gobalka Geeska Afrika, waxaanay dhawaan heshiisyo taariikhi ah dhex dhigeen dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, sidoo kalena dalalka Ereteriya iyo Djibouti ayaa iyaguna bilaabay inay ka heshiiyaan dagaal iyo colaad toban sanno taagnayd. Laakiin dalka Qatar ayaa ilaa hadda wuxuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya oo iyadu diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar. Sucuudiga ayaa markaas Soomaaliya ka joojiyay mashaariic horumarineed oo uu hore u balan qaaday inuu ka fulinayo dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate, dadka diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah aqoonta u leh ayaa isha ku haya bal sida ay Somaliland uga faa’iidaysan doonto indhaha ay dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo jeedisay oo noqonaysa dawladii labaad ee dalalka Khaliijka ah ee xiisaynaysa xidhiidh ay la yeelato Jamhuuriyada Somaliland.

Category