Theresa May oo iscasileysa 7-da June

London (RH)- Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa si rasmi ah u sheegtay in 7-da bisha soo socota ee June ay xilkak ka dageyso kaddib markii ay ku guul dareesatay qorshaheedii ka bixitaanka Midowga Yurub.

Ms May oo noqotay haweeneydii labaad ee raysal wasaare ka soo noqota Ingiriiska ayaa culeys kala kulmeysay xisbiyada dalka Ingiriiska oo uu kujiro xisbiga ay ka tirsan tahay Conservatifka.

Waxa ay sheegtay in ay sii heyn doonto xilka ra'iisal wasaarnimo inta la dooran doono ra'iisal wasaare cusub.

Ms. May ayaa Jimcihii ka soo muuqatay qolka shirarka jaraa'id ee lambar 10 ee Down Street-ka, waxaana ay tiri iima suuragaleyso qorshayga ka bixista  Midowga Yurub waayo waa ka tagayaa xafiiska waliba waa ay ooyneysay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category