Waa kuma Siciid Cabdilaahi Maxamed (Dani)  oo loo doortey madaxweynaha cusub ee Puntland

RH: Siciid Cabdilaahi Maxamed (Dani) waxa uu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadkii 1967 (51 sano jir), waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Muqdisho, kadib waxa uu galay Jaamacadii Ummada, kuliyadda luuqadaha?, waxbarashadiisa sare ama heerka labaad ayuu ku qaatey jaamacad ku taala dalka Malaysia.

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid ahaan jirey ururkii Ikhwaanu Muslimiin ee ka hana qaadey dalka Masar, garabkiisa Soomaaliya ee al-Islaax, waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gobolada Puntland (ex-Waqooyi Bari), Sidoo kale Siciid Dani waxa uu kamid aha asaasayaashii Hay’ada Tadaamun sanadkii 1992 hay’adaas oo markii danbe noqotey hay’ad kheyri ah oo ka qaybqaadata hormarinta arimaha bulshada.

Siyaasi Siciid Cabdulaahi Dani ayaa qaybweyn ka soo qaatey arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada waxaana uu kamid ahaa kooxdii dhidibada u taagey iskoolka Hoose/Dhexe/Sare ee Imaam Nawawi ee magaalada Boosaaso, kaas oo la asaasey xili waxbarashada dalku aad u liidatey, waxaana uu mar noqdey maamulaha iskoolkaas oo ay ka qalin jebiyeen kumaankun ardey ah.

Siciid Cabdulaahi waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda ganacsiga guud ee Towfiiq oo kamid ah shirkadaha ugu waweyn Puntland.

Soo gelitaankiisi siyaasada

Siciid Dani marka laga yimaado in uu ahaa ganacsade iyo nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada, waxa uu kamid ahaa kuwa ka agdhaw siyaasada, waxaana uu kamid ahaa kooxdii ganacsatada ahayd ee taageeri jirtey ama la taliyaasha u ahaa maamulkii Kornayl Jaamac Cali Jaamac ee mar Boosaaso ka taliyey mudo sagaal bilood ah 2001-2002, waxaana arintaas ku weheliyey Faarax Maxamed Siciid (Faarax Dheere) oo kamid ahaa asaasayaashii shirkada Towfiiq, waxaana askartii Cabdullaahi Yusuf ku dileen Garoowe sanadkii 2001, Faarax Dheere iyo kooxda kale ee Siciid Cabdulaahi waxaa golaha wasiiradii Jaamac Cali Jaamac u metelaayey Maxamuud Warsame Faarax oo loo yaqaan Maxamuud Shiddo oo ahaa Wasiirkii Maaliyada ee Jaamac Cali Jaamac, markii danbena kamid noqdey Jamhadii GBB ee Cadde Muuse hoggaamin jiray.

2009: Doorashadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee baarlamaankii 550 ay u doorteen Madaxweyne, kadib markii uu iscasiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa isaga oo Jabuuti ku sugan waxaa damac siyaasadeed geliyey koox ganacsato reer Muqdisho ah oo u badnaa kuwo xubno ka ahaa ururkii al-Islaax al-Islaamiya, kuwaas oo sheegay in ay Sheekh Shariif ka soo dhameyn karaan in uu u magacaabo raysalwasaare, maadaama uu doonaayo in uu Wasiirka kowaad u magacaabo qof reer Puntland ah, taasina waxay ahayd damicii u horeeyey ee siyaasadeed ee ku dhasha Siciid Cabdulaahi Dani.

 

Sanadkii 2012 ayuu si rasmi ah u soo galey siyaasada, kadib markii beeshiisu ay siisey mid kamid ah labadii kursi ee ay ku lahaayeen baarlamaanka, iyada oo aan cidna kula tartamin. Xildhibaan Dani ayaa markii uu doonaayey kursiga Xildhibaanimo u sheegay taageerayaashiisa in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2012, ama uu keeni karo ugu yaraan Raysalwasaare, taasina ay tahay sababta uu Xildhibaanka u raadinaayo. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib waxa uu kamid ahaa kuwii u ordaayey in Raysalwasaare laga dhigo. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa awood badan ku lahaa xubno ka tirsanaa ururkii al-Islaax gaar ahaan garabkii Damuljadiid, iyo daladihii waxbarashada. Xasan Sheekh waxa uu raysalwasaare u magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon, sidoo kale Siciid Dani kuma soo bixin golihii wasiirada ee u horeeyey ee Raysalwasaare Saacid.

 

Fursadii labaad ee arrimaha siyaasada ayaa soo martey markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Raysalwasaarihii la magacaabey Saacid kadib Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u magacaabey Siciid Cabdulaahi Dani in uu noqdo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowaladda Federaalka xilkaas oo uu hayey Janaayo 2014 – ilaa iyo markii uu wax ka ridey xukuumadaas 06.Diseembar 2014.

Doorashadii 2016-2017

Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid noqdey musharixiintii doorashadii Madaxweynaha ee 2016-2017, waxaana uu wareegii kowaad galey kaalinta lixaad isaga oo helay 18 cod, sida ay u sheegeen Horseed Media dad xogogaal ah Siciid Dani waxa uu ka tirsanaa gaashaanbuurtii Xasan Sheekh Maxamuud ee doorashada looga adkaadey. Laakiin Siciid Dani waxa uu mar kale ka mid noqdey siyaasiyiintii u orday in ay ka soo dhex muuqdaan golihii wasiirada ee Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre taas oo uu ku guuldaraystey, waxaana intaas kadib uu ka baxay magaalada Muqdisho isaga oo u badnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Kiinya, dibna Puntland uguma noqon.

Mudadii uu ahaa Xildhibaanka 2012-2016

Siciid Cabdullaahi Maxamed, kama mid noqon gudiyada Baarlamaanku lee yahay ee gaarayey 15 gudi, kuwaas oo muhim ahaa, mudadii afarta sano ahayd ee uu Xildhibaanka ahaa waxa uu kamid noqdey 10-ka xildhibaan ee ugu maqnaanshaha badan marka la eego ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka iyo hawlaha Baarlamaanku wado, waxaana uu afartaas sano helay 27%, sida aan xogta hoose ka helney xafiiska habdhawraha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Siciid Cabdulaahi Maxamed fadhiyadii ugu badnaa ee uu ka qaybgalo waxay ahaayeen kuwii lagu doortey Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, qaybta labaad waxay ahayd kuwii ay ku ridayeen isla xukuumadii uu ka tirsanaa, iyo kuwii lagu ansixinaayey.

 

Category