Waa tuma Xaawa Cabdi?: "Daljirka dahsoon ee ka soo shaqeysay danta Soomaalida"

Dr Xawa Cabdi, waxay ahayd Soomaali u ololeyneysay xuquuqda dadka, qareen, iyo dhakhtar. Waa aasaasaha Xarunta Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka iyo hay'adda Doctor Xawa Cabdi Foundation.

Sannadkii 2010-kii, waxaa loo magacaabay Abaalmarinta Glamour ee Haweeneyda Sannadka. Sidoo kale waxay mar ka mid noqotay dadka loo soo magacaabay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Alle ha u naxariiste, Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Waxay ahayd aasaasaha hay'ad ka shaqeysa arrimaha gargaarka.

Xaawa cabdi ayaa dhashay seddax carruur ah, oo mid ka mid ah uu dhintay sannadkii 2005. Waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho, 17 bishii May sanadkii 1947.

Waxbarashadeeda dugsiga hoose waxay ku qaadatay iskoolka Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, halka dugsiga dhexena ay kaga baxday iskoolka Komarshaale.

Iskool dowladdii Ruushka ay ka dhistay magaalada Muqdisho ayay sheegtay in wixii intaa ka dambeeyay ay ku biirtay, ka dibna ay ka heshay deeq waxbarasho oo ay bixiyeen midowgii Soviet oo ay ku tagtay dalka Ukraine, waxayan ku maqneyd muddo 7 sano ah.

Waxay dib ugu laabtay dalka, snnadkii 1972-dii, ka dib waxay shaqo ka bilowday isbitaalka Digfeer.

Guud ahaan xilligaas waxaa dalka ku yara haweenka bartay caafimmadka. Dr. Xawa Cabdi waxay si gaar ah ugu taqasustay cudurada Hooyada iyo dhallaanka.

Jamacadii ummadda Soomalaiyeed qeybta caafimmadka ayay sidoo kale ka noqotay bare (macallim).

Xaawa Cabdi oo dhakhtar ahayd muddo 49 sano ah, ayaa caafimmaadka baratay sannadkii 1971-dii, xilligaas oo ay dalka ka jirtay dowladdii dhexe. Waxaa ay ka soo shaqeysay xarumo caafimmaad oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in ardaydii ay wax soo bartay ay haatan ka shaqeeyaan deegannada Soomaalida iyo dalal badan oo caalamka.
Transparent line
Abaalmarinnada

    2017 - Waxay ka mid ahayd 10-kii qof ee Jaamacadda Havard ay siisay shahaadada abaalmarinta ah Doctor of Laws
    2015 - Abaalmarinta Horumarinta Nabadda ee Pilosio ayey ku guuleysatay
    2014 - Xawa Cabdi waxay heshay Biladda Xoriyadda ee Roosevelt Four: Abaalmarinta oo lagu siiyay Middelburg, ee Netherlands waxaa loogu yeeraa Freedom from Want.
    2012 - Xawa Cabdi waxaa loo magacaabay abaalmarinta Nobel Peace Prize.
    2012 - Waxay heshay Abaalmarinta Dumarka Saameynta leh ee Hay'adda WITW Foundation; Abaalmarinta Arrimaha Gargaarka Bulshada ee Bet iyo Abaalmarinta Cadaaladda ee John Jay.

Transparent line

Xaawa Cabdi oo hawlaha samafalka bulshada ku soo jirtay tan iyo bilowgii dagaalada sokeye ee Soomaaliya, ayaa xarun caafimad oo ay ka faa'iideystaan hooyada iyo dhallaanka, ka furtay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Waxay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyay ee soo bartay daweynta cudurada haweenka ee gynecologist, waxayna 1983-dii furatay isbitaal hal qol ka koobnaa si ay ugu caawiso haweenka uurka leh.

"Isbitaalka waxaan ku bilaabay hal qol annigoo ugu daneynayay haqeenka foosha ay hayso, balse markii dambe wuu weynaaday oo wuxuu gaaray illaa afar boqol oo sariirood", ayay Dr. Xaawa ku sheegtay wareysi ay BBC-da la yeelatay sannadkii 2013-kii.

Markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, 1991, xarunteeda waxaa buux dhaafiyay dad ka cararayay colaadda, ka dibna waxay bilowday hay'addeeda DHAF si dadka ay u caawiso.

Hadda DHAF waxay ka kooban tahay isbitaal, iskuul iyo xarunta quudinta. Waxay bixisaa aqoon, daryeel caafimaad iyo hoy iyo tababaro la siiyo dadka barakacay ee u badan haween iyo carruur.

Dadkii ka hadlay geerideeda waxaa ka mid ah ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Khayre, oo sheegay in Dr Xaawa Cabdi lagu xusuusan doona kaalintii ay ka geysatay badbaadada ummaddeena, gaar ahaan kuwa nugul.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmana Cabdishakuur ayaa Xaawa ku tilmaamay "daljir daahsoonaa".

"Dr. Xaawa waxay ahayd samafale bulshada si naf-hur leh, xili adag uga soo shaqeysay. Waxay tusaale u tahay daljirka dahsoon ee danta guud ka shaqeeya, iyagoo Alle oo keli ah abaal iyo ajar ka doonaya. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaanna Allaha ka siiyo eheladeedii iyo ummada Soomaaliyeed oo idil", ayuu yiri.

Xaawo Cabdi xarunteedii caafimadka waxaa ku booqday madaxeynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bus, xilligii ciidamada Mareykanka ay ku sugnaayeen Soomaaliya, bilowgii 1990-maadki.

Xigasho: BBC

Category