Wafti ka socda Somaliland iyo Jabuuti Oo Bookhday Mashruuca Beeraha Banka Tog-Wajaale

Hargaysa(RH):-Wafti Balaadhan oo ka socda Xukuumada Somaliland iyo Dowlada Jabuuti ayaa maanta Safar ku tagay Magaalo ganacsiyeedka Tog wajaale ee Gobolka Gabiley

Waftigan ayaa waxaa xubno ka ahaa Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha, Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Weheliyo Wasiirka Beeraha,Biyaha iyo Xoolaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti U jeedada Kormeerkan ayaa Salka ku hayay u Kuurgalida Mashaariicaha dhinacyada beeraha iyo biyaha ee Xukuumadda Somaliland ka hirgalisay deegaanka Wajaale waxayna weftigu soo darseen heerka uu marayo Mashruuca beeraha ee banka Wajaale.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa si qoto dheer u sharaxay dadaalka ay xukuumadu gelisay wax soo saarka dalaga beeraha, Isagoo xusay in Banka Wajaale oo ku fadhiya baaxad dhan 5 Kun iyo Lix boqol oo Higtar laga beeray Saracyo kala duwan.

Mudane Axmed Muumin Seed Waxaa kale oo uu inay dhigiisa Jabuuti ka wada hadleen Sidii ay iskaashu uga yeelan lahaayeen ayaxa faraha baas ku haya wax soo saarkii dhinaca beeraha isla markaana ay wixii awoodooda ah inaga caawiyaan.

Wasiirka Beeraha,Biyaha iyo Xoolaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale ( Maxamed Soomaali) ayaa dhankiisa uga mahadceliyey dadaalada ay xukuumadda Somaliland ku talaabsatay iyadoo taageero muuqata ka helin beesha caalamka waxaanu balan qaaday inay arrimo badan ka wada shaqayn doonaan labada dal

 

 

Category