Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Beirut

Beirut- (RH)-Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee Lebanon ayaa weli burburka dhismayaasha ka raadinaya haddii ay jiraan dad ka bad-baaday qaraxii weynaa ee shalay ruxay magaalada caasimadda ah ee Beirut, kaasi oo dilay ugu yaraan 100 qof, islamarkaana dhaawacay 4,000 oo kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in la filayo in khasaraaha uu intaas kasii bato kadib qaraxa oo ka dhacay bakhaar ku yaalla dekedda oo kiimikada lagu keediyo.

“Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa. Waxaan weli baareynaa burburka, waxaa jiri kara dhibanayaal kale, waxaanse rajeynaa inaysan jirin,” waxaa sidaas yiri madaxa Laanqeynta Cas ee Lebanon George Kettani.

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu xoogga badnaa ee abid ka dhaca Beirut, oo ah magaalo ay burburiyeen dagaallo sokeeye 30 sano ka hor, islamarkaana dhowaanahan la tiiceysay burbur dhaqaale oo ka dhashay cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 oo ah maadada kiimikada ammonium nitrate, ee loo isticmaalo bacraminta iyo bambooyinka, taasi oo muddo lix sano ah ku keydsaneyd dekedda.

Sarkaal xog ogaal u ah baaritaanka horudhaca ah ayaa dhacdadan u eedeeyey inay ku timid dayacaad

Shacabka Lebanon ayaa carro xooggan u muujiyey siyaasiyiinta, kuwaasi oo tobanaankii sano ee tegay ku caan baxay musuaq-maasuq iyo maamul xumo horseeday in dalkaas iminka uu lugaha kula jiro qalalaase dhaqaale.

ISHA: REUTERS

Category