Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Horkeentey Miisaaniyad Sannadeedka 2020

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda faahfaahin ka siiyay miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka, oo golaha la horgeeyay.

Waxaana fadhigaasi golaha mudenayaasha golaha Wakiiladda loo qaybiyay odoroska miisaaniyadda 2020-ka si ay u soo naaqishanaan.

Wasiirka waxaa ku weheliyay wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdiqaadir Sheekh Muxumed (Dhago-wayne), agaasimaha guud Maxamed Cabdi Gurxan iyo agaasimeyaasha waaxyaha miisaaniyadda, xisaabaadka iyo xidhiidhka dadwaynaha ee wasaaradda maaliyaddda.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, oo faahfaahin ka siiyay golaha Odoroska miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay in miisaaniyadani ku salaysan tahay wax-soo saar, tayaynta adeegyada bulshadda, amniga qaranka iyo guud ahaan horumarka dalka.

Dhinaca kale miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka ee golaha Wakiiladda la horgeeyay ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, daddex boqol iyo afar milyan, siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019-ka.

 

 

Sidoo kale xildhibaanadda ayaa su’aalo ka waydiiyay wasiirka miisaaniyadda 2020-ka isagoo mid mid uga jawaabay su’aalahaasi.

Dr. Sacad Cali Shire, oo sharaxay meelaha ugu muhiimsan ee odoroska miisaaniyadda waxa uu yidhi, “Miisaaniyadeena 2020-ka waa sidan soo socota, miisaaniyadda dawladda dhexe waxa weeyaan laba Tiriliyan iyo 46-bilyan, taasi oo dheer tii kal hore ee 2019-kii ilaa boqolkiiba shan iyo toban, hay’addaha madaxa banaan miisaaniyadooda sanadkan soo socda waa laba boqol iyo laba iyo afartan bilyan, lix iyo sodon milyan iyo afar iyo sagaashan, iyo sagaal boqol iyo todoba iyo toban.

Dawladaha hoose waa saddex boqol iyo lix iyo labaatan bilyan todoba boqol iyo sideed iyo afartan milyan, shan boqol afar iyo todobaatan iyo boqol iyo koob iyo sideetan, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) afar iyo todobaatan milyan boqol iyo afar iyo lixdan milyan, sideed boqol iyo kob iyo konton kun uu noqdo.

Mashaariicda bangiga aduunka ee ina soo mara shan iyo afartan milyan sideed boqol iyo shan milyan iyo todoba boqol oo kun, mashaariicda JPG iyaguna waa shan iyo toban bilyan sagaal iyo sagaal iyo afartan milyan saddex boqol iyo toba iyo lixdan milyan weeye.

Isugeyn miisaaniyadda Qaranka ee 2020-ku waxaa weeyi waa laba tiriliyan laba boqol iyo kob iyo konton bilyan, saddex boqol iyo afar milyan, sideed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan taasi oo ka badan tii kal hore boqolkiiba sideed iyo toban”.

Dhanka kale wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in macalimiinta dugsiyadda hoose dhexe ee dalka wax ka dhiga sanadkan mushaharka loo kordhiyay boqolkiiba shan iyo labaatan.

Waxaanu yidhi, “Waxaa kale oo miisaaniyadda ka mida sanadkan in loo kordhiyay macalimiinta dugsiyadda hoose dhexe boqolkiiba shan iyo labaatan, in aan la sugsiinin in mashaariicdu ay bilaabmaan ilaa bisha todobaad ee mashaariicda kor loo bilaabo.

Waxa kaloo aanu dooneyna in dadkeena wax-soo-saara ee warshadaha ama beeraha wax ka soo saara aynu cashuurta ku ilaalino, dadkeena Beeraleyda ah xiliyada ay wax u soo go’aan ayaa waxyaabo badan oo jabani dibadda inagaga yimaadaan deetana waa ay ku khasaaraan, marka tartana ku dhiiran maayaan oo markale in ay beertii beeraan ku dhiiran maayaan.

Waxaa kale oo sanadkan qorshaha noogu jirta in aanu sanduuq lama filaana aanu u sameyno hadii imika abaar oo kale inagu timaado in inagu inta hore aynu isku filaano oo meel wax inoo yaallaan”

Wasiirka ayaa iftiimiyey in miisaaniyadu sanadka waxaa awooda lagu saarayo. “Amniga, waxbarashada, caafimadka, wax-soo-saarka, doorashooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada” ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.

 

Category