Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Hargeysa ka Furtay Mashruuc Qorraxda Tamarta lagagaga dhalinayo

Hargeysa(RH):-Wasiirka  Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka  Furay  mashruuca maalgelinta Tamarta laga dhaliyo qorraxda.

Furitaanka mashruucaasi waxa kasoo qayb galay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Gudida Tamarta Agaasimaga guud ee wasaaradda macdanta iyo masuuliyiin kale.

Mashruucaasi waxa maalgaliyay Baanka adduunka iyadoo ay fulineyso wasaaradda macdanta masuulna uu ka yahay Dahabshiil Bank.

Maxamed Yusuuf Ismaaciil guud wasaaradda  Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u taagan yihin hirgalinta in la helo addeeg Tamareed oo jaban.

Muuse Ibraahim Yuusuf wasiir ku xigeenka horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay inay ahmiyad weyn qaranka u leedahay in la helo Tamar ama Koronto jaban si dalku u horumaro.

Geesta guddoomiyaha gudida Tamarta iyo korontada Somaliland  Axmed Faarax Cadarre ayaa sheegay in mashruuca horumarinta Tamarta uu yahay mid qiime wayn u leh dalka ka guddi ahaana loo aasay sidii ay u horumarin lahaayeen Kordhinta Tayada Tamarta iyo Korontada ee dalka.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta  Somaliland  Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa ugu dambayn daahfuray furay mashruuca maal gelinta Tamarta cusboonaata ee laga dhaliyo qorraxda

 

 

Category