Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Midaynaysa Xogta Qaranka

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay sidii xogta dalka loo mideyn lahaa waxaanu wasiirku sheegay in guddiyadii ka shaqayn lahaa macluumaadkaasi ay isugu yeedheen.

waxa uu sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha dibedda somaliland sheegay in ay qabanayaa shirar  lagu sii xoojinaayo barnaamijka lagu ururinayo xogta qaranka kaasi oo dhawaan ay bilawoday wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Somaliland waxa uu sheegay in Ujeedada ugu muhiimsan ee laga leeyahay barnaamijka maclumaadka Qaraka uu yahay sidii loo midayn lahaa xogaha kala duwan ee dalka kuwaasi oo haatan siyaabo kala duwan oo aan midaysnayn u baxa. wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan xogahaasi laga dhigi doono kuwo mid ah oo isku si u baxa.

 

Category