Wasaaradda Shaqo-Gelinta Somaliland 50 Qof Oo Ku Nool Magaalada Burco U Samaysay  Hal-Abuuro Ganacsi

Hargeysa (RH):-Wasaaradda shaqo gelinta,arrimaha bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Burco munaasibad u qabatay konton xubnood oo shaqo abuur ay u sameysay.

waxaana ka qaybgalay xafladaas agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, maamulka gobolka Togdheer, xubnaha shaqo abuurka loo sameeyey iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda shaqo gelinta ee gobolka Togdheer Ismaaciil Xayir, agaasimaha waaxda shaqo abuurka ee wasaaraddaasi Maxamuud Saleebaan, oo sheegay in dadkaasi ay ka shaqeeyeen shaqooyin kala duwan, balse ay u baahnaanyeen taageero dhaqaale oo ay ku xoojiyaan ganacsiyada yaryar oo ay ka mid ahaayeen Hilibleyaal, Tukaanleyaal iyo Dawaarleyaal, waxayna intaas ku dareen in kor loo qaadayo lana kobcinayo ganacsiyada dadkaasi.

Xubnaha shaqo abuurka loo sameeyey qaarkood oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey shaqo abuurka ay xukuumaddu u sameysay, iyaga oo sheegay in ay wax weyn ku kordhin doonto ganacsiyadadooda isla markaan ay u noqonayso dhiiri gelin.

Geesta kale, guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, oo halkaas ka hadlay ayaa ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey mas’uuliyiinta wasaaradda shaqo gelinta Somaliland, isaga oo uu tilmamay in ay taagerro la garabtaagan tahay bulshada gobolka Togdheer ee taageerada u baahan.

Gebogebadii waxa munaasibadaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, qoyska iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdirashiid Sheekh Ibraahin Cabdiraxmaan, oo sheegay in wasaaradda shaqo gelinta iyo xukuumaddaba ay ka go’an tahay maalgelinta iyo gacansiinta hal abuurka ganacsiga ee guud ahaan dalka, wuxuuna sheegay in ay konton qoys ay gudoonsiinayaan maalgelin kor loogu qaadayo ganacsiyadooda

 

 

Category