Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha oo ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan 10 qof oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saqar Ibraahim Cabdalla ay ku dhintay labo weerar oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wasaaradaha guryeenta iyo dhismaha iyo wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya.

Xildhibaan Saqar ayaa baarlamaanka ku so biiray sannadkii 2016-kii, waxaana uu ka mid ahaa dhallinyaradii ku soo biiray xildhibaannada, isagoo ka soo galay Jubbaland, halkaasoo doorashadiisa ay ka dhacay, waxa uu ahaa nin dhallinyaro oo wax ku bartay waddanka Maleysiya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda labada weerar, isagoo sidoo kale sheegay in dagaal yahanno ka tirsan ay gudaha xarrumaha la weerarray ay galeen.

Gaadidka Ambalaska kaliya ee ka shaqeeya Muqdisho ayaa sheegya in uu qaaday 11 qof oo dhaawac qaba kuwaasoo ay geeyeen xarrumah caafimaadka.

Illaa hadda wax war ah kama soo bixin hey'addaha dowladda oo ku aadan weerarrada iyo qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category