Wasiir Oomaar oo ka hadlay sababta diyaaradaha Kismaayo loogu amray in ay soo maraan Muqdisho

Muqdisho (RH)-Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa ka hadlayey go’aankii dowladda ay soo saartay ee la xiriiray duulimaadyada Kismaayo ka imaanaya ama tegaya la amrya in ay soo maraan magaalada Muqdisho.

Wasiir Oomaar oo maanta saxaafadda u warramay ayaa sheegay in joojinta Duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin cid ay si buuxda ugu halleen karaan duulimaadyada Kismaayo sidaas darteedna ay buuxinayaan kaalintaas bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xannibaad la saaray diyaaradaha ka yimaada ama tegaya magaalada Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”

Hadalka wasiirka ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta oo Khamiis ah soo saaray war-saxaafadeed qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xayiraadda diyaaradaha ay dhibaato ku reebtay shacabka ku nool halkaas.Waxay ha'yadaha gargaarka ugu baaqday in gargaar ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan Jubbaland.

Mas'uuliyiinta Jubaland waxay sheegayn in shacabka Jubbaland ay saaran tahay “xayiraad sharci darro ah oo dastuurka baal marsan taasoo saameyn ku yeelatay kaliya shacabka dhinacyada, ganacsiga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo arrimaha gargaarka bani’aadamnimada.”

Waxaa cirka isku shareerayay khilaafka u dhexeeyo Jubbaland iyo Dowladda Dhexe markii Jubbaland ay ka dhacday doorasho muran badan uu ka dhashay oo dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday doorashadii Axmed Madoobe lagu doortay iyo labadii madaxweyne ee iyana sheegay in la doortay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category