Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Oo Booqday Maxjarada Xoolaha  Magaalada Berbera

Berbera(RH):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray 3-da Maxjar ee Caafimaadinta xoolaha ee Ku yaala magaaladda Berbera.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay maamulada kala duwan ee Maxjaradaasi iyo sidoo kale dhakhaatiirta ku hawlan caafimaadinta xoolaha nool ka hor inta aanay ka dhoofin dekedda magaaladda berbera waxaanu wasiirku warbixin ka dhagaystay maamuladda maxjaradaasi iyo hawl wadeenada caafimaadka xoolaha ee Ka hawl gala.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xooluhu waxa uu sidoo kale Kormeer ku soo maray Xarunta Kalluumaysiga ee Magaaladda Berbera oo ay ku xidhan yihiin doonyo aad u tiro badan oo kalluun tiro badan ka keenay bada waxaana wasiirka warbixin faahfaahsan halkaasi ku siiyey Isu-duwaha wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Gobolka Saaxil Axmed Xaaji Cabdilaahi.

Geesta Kale Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Maxamud Axmed Ibraahin Iyo Duqa Magaaladda Berbera Cabdi-shakuur Maxamud Xasan Cidin ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay Xarunta gobolka Saaxil ee Berbera iyagoo sheegay in Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysigu ay shaqooyin badan ka qabato Magaaladda Berbera

Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa u mahadnaqay Maamulka Gobolka Saaxil,Ka degmadda Berbera iyo Mas’uuliyiinta Maxjarada Caafimaadinta Xoolaha waxa uu wasiirku sheegay in shaqo fiicani ka socoto Maxjaradaasi isla markaana ay raacaan hab raacyada u degsan wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo shuruucda caalamiga ah ee Caafimaadinta Xoolaha ka dhoofaya Somaliland.

 

Category