Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland oo mooshin ka keenay shirkadda DP World

Garowe (RH)- Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa maanta oo Sabti ah oggolaaday mooshin ka dhan ah shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta taasoo lagu wareejiyey dhismaha dekedda magaalada Boosaaso.

Illaa 21 xidhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland ayaa mooshinka ku wareejiyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi

Qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka soo gudbiyey DP World ayaa u sheegay Idaacadaha maxalliga ee ku yaalla Puntland, in mooshinkooda uu la xiriiro in shirkadda laga joojiyo howsha dhismaha dekedda Boosaaso maadama tan iyo xilligii lagu wareejiyey dekedda waxba ka qaban ay jiraan arrimo siyaasadeed oo ku xeeran shaqada shirkadda

Xildhibaannadu waxaa kaloo ay sheegeen in shirkadda muddo labo sanno ku dhow aaney waxbo ka qaban dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Waxa ay sheegeen mudanayaasha baarlamaanka in shirkadda DP World ay lacag kaliya ka gurato Dekadda halkii laga rabay in ay dhisto iyaga oo hoosta ka xariiqay in aysan sii maamulin karin dekadda Boosaaso.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tallaabadan oo kale qaaday iyagoo dalbadan in shirkadda DP World laga joojiyo howlaha ay ka heyso dekedaha Soomaalida sida Berbera iyo Boosaaso.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category