Xukuumada Oo ka Warbixisay Xaaladda Caafimaad ee Xoolaha iyo Kaluunka Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta hortagay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland.

Kulankaas oo ay warbaahintu dibad joog ka hayd markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey xildhibaan Siciid Cartan oo xubin ka ah guddida joogtada ah ee goalaha wakiillada, wuxuuna sheegay in kulankaasi ka mid ahaa kulannadii ay la yeelan jireen masuuliyiinta qaranka, isaga oo intaas ku daray in ay wasiirka xannaanada xoolaha iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ee ka tirsan wasaaraddaas ay ka xogwareysteen xaaladda xoolaha iyo kalluumaysigu halka ay marayo wakhtigan, sida caafimaadkooda, calafka xoolaha iyo daryeelkoodaba, wuxuuna xildhibaan Siciid Caratn xusay in wasiirka iyo xubnaha wehelinayeyba ay siiyeen warbixin wanaagsan oo ay ku qanceen.

Geesta kale, waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo sheegay in guddidu ugu yeedhay sidii ay wax uga weydiin lahaayeen waxyaabihii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxa u qorsheysan in ay qabtaan mustaqbalka soo socda, isaga oo wasiirku tilmaamay in wixii su’aalo ah ee ay weydiiyeen guddidu ay uga jawaabeen, taasina ay tahay mid guddida waajibaadkooda ah, oo uu siinayo dastuurku in ay dabagal ku sameeyaan hawlaha ay hay’adaha dawladu qabanayaan.

 

 

Category