Xukuumada Somaliland Oo Daah-furtey Barnaamij Wax Lagu Barayo Maxaabiista Jeelasha Dalka Ku Xidhan.

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamij wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee ku jirta jeelasha dalka.

Barnaamijkan wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee dalka oo kamid ah rukumada tiirarkii uu xisbiga KULMIYE waqtigii ololaha bulshada u ballan-qaaday, ayey maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku xidhan ku heli doonaan noocyada kala duwan ee waxbarashada teeda dadban iyo midda tooska ahba, iyada oo maxbuus waliba uu heli doono waxbarasho u dhiganta heerka aqoontiisu gaadhsiisan tahay.

Daah-furka kaddib xubno uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo booqday jeelka weyn ee Hargeysa oo ay waxbarashada maxaabiistu ka socotay, ayaa soo indho-indheeyey waxyaabaha ay bartaan maxaabiista kala duwan ee jeelkaas ku xidhani, iyaga oo booqday maxaabiis baranaysa farsamada gacanta iyo kuwa baranaya waxbarashada heerka labaad ee jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof. Mubaarak Ibraahim Aar oo jaamacadda uu gacanta ku hayaa ay fulinaso Barnaamijkan, ayaa caddeeyey inay jaamacad ahaan daraasad ballaadhan ku sameeyeen heerarka kala duwan ee waxbarashada ay maxaabiista jeelasha ku xidhani u baahan yihiin, waxana uu ballan qaaday inay ka midho dhalin doonaan waxbarista maxaabiistaas.


Taliye-ku-xigeenka ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Xasan Cali Dheere, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay maxaabiista kala duwan ee ay gacanta ku hayaan u diyaariyeen inay waxbartaan muddada ay jeelasha ku jiraan, is ay bulsahda ugu noqdaan iyaga oo kor u qaaday xirfaddoodii iyo aqoontoodiiba.

Wasiirku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Maxamed Daahir Axmed oo hadal kooban ka jeediyey madasha ay wax ku baranayeen jeelka weyn ee Hargeysa, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan diyaar u yihiin fududaynta hawlaha wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku xidhan, waxana uu xusay in waxyaabaha maxaabiista la barayo ay kamid yihiin Farsamada gacanta, culuumta shareecada iyo waxbarashada heerarka koowaad iyo labaad ee jaamacaddu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), ayaa dhinaciisa tilmaamay inay si hufan oo aqooni horseed u tahay u dejiyeen barnaamijkan, islamarkaana ay maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku xidhan heli doonaan aqoon heerar kala duwan leh oo mustaqbalkooda anfacaysa.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa shaaciyey in Barnaamijka wax lagu barayo maxaabiistu uu tiir muhiim ah u ka ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay wasaarad ahaan ku dhiirradeen inay fuliyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Fikirkan ah in maxaabiista dalka wax la baro, laakiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ololihiisa ku galay in la tababaro maxaabiista kala duwan ee jeelasha ku jirta, lana ilaaliyo xuquuqiyaadka aas-aasiga ah ee ay leeyihiin, mar labaadkiina waxa uu sameeyey xeer-nidaamihii kala xadaynta hay’adaha kala duwan ee dalka, kaas oo dhigaya in maxaabiista waxbarashadooda iyo wax kasta oo lagu horumarinayo la sameeyo, annagana taas uun buu Ilaahay na garan siiyey oo aannu fulinaynaa.”

Wasiirku waxa uu kula dardaarmay maxaabiista kala duwan ee dalka inay u diyaar garoobaan sidii ay waxbarashadaas ugu diyaar garoobi lahaayeen, ugana faa’iidaysan lahaayeen fursaddaas la siiyey, si ay bulshada ugu noqdaan iyaga oo kobciyey wacyigooda iyo aqoontooda.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo barnaamijkan si rasmi ah u daah-furay, ayaa bulshada ugu bushaareeyey inuu furmay mashruuca ay maxaabiistu wax ku baranayaan, islamarkaana ay tani sawir wanaagsan ka bixinayso jeelasha lagu xidho dadka sharciyada khilaafa, waxana uu yidhi, “Waxannu ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in la bilaabayo waxbaristii maxaabiista jeelasha Somaliland ku jirta, iyada oo xisbiga KULMIYE barnaamijkii ololaha uu ku guulaystay uu ku ballan-qaaday inaanay maxaabiistu noqon doonin dad la xidh-xidho ee jeelasha uun ku bacoortoonsane ay noqon doonaan dad jeelasha wax lagu soo baro oo lagu soo dhaqan-celiyo, sidaas darteed waxa bilaabmi doona in wax la baro dhammaan jeelasha ku jirta jeelasha dalka oo labadii aqooneed ee ta dadban iyo midda tooska ahba la baro oo uu qofkii jeelka ku jiray soo baxo isaga oo wax bartay oo bulshada wax ku kordhin karaya.”

 

Category