Xukuumada Somaliland Oo Shaaciyey In Madaarkii Millatari Ee Berbera Loo Badaley Mid Shacab

Hargeysa(RH)Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday Madaarkii millatari ee laga hirgelinayey Magaalada Berbera uu laga bilaabo maanta ka dhigay Madaar  Shacab oo  noqon doona madaarka ugu weyn Afrika oo  ay isticmaali doonaan diyaaradaha rayidka ahi.

waxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidaas ka sheegay mar uu maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasi oo uu ka dhagax dhigay  dhismeyaal iyo mashaariic horumarineed oo laga fulin doono magaalada Berbera.

Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland  oo ka hadlayey xaflad loo sameeyey dhagax-dhiga mashruuc lagu ballaadhinayo biyaha Berbera oo la doonayo in la gaadhsiiyo xaafadaha bulshada danyarta ahi ku dhaqan yihiin, ayaa caddeeyey in madaarkii Berbera ee lagu waday in laga dhigo madaar Millatari uu ka wareejiyey isla markaana uu go’aamiyey inuu noqdo madaar u adeega shacbiga oo ay isticmaalaan diyaaradaha rayidka ahi.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu dhagax dhigay haamo cusub oo lagu soo kordhinayo keydka shiidaalka Berbera iyo shaybaadh qaran oo lagu baadhi doono cuntada.

Madaxweynaha JSL iyo weftigiisu waxay soo kormeereen marsadda Berbera oo ay soo indho-indheeyeen wiishkii gubtay, waxaanu halkaasi warbixinno kaga dhegaystay maamulka dekedda Berbera oo uga xog warramay adeegyada ay marsaddu u hayso bulshada.

 

Category