Yuu noqon doonaa ninka dambe ee guursan doona Haybado Ismaaciil Cumar Geele

RH. Jabuuti: Ilo wareedyo uu helay wargeyska Indian Ocean oo uu Radio Hormuud soo xigtey ayaa ku waramay in lagu wado in dhawaan  xidhiidh guur dhex maro Cabdiraxmaan Ducaale wiilka uu dhallay Abdirashid Duale Madaxa shariikada caanka ah Dahabshiil iyo  Haybado Ismail Omar Geele oo dhawaan laga furay Wasiirka caafimaadka ee jabuuti mr. Jaamac Cilmi Oogle oo ku magac dheer (Jaamac Speed).

Xididtinimadan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso dano dhaqaale maadaama oo Dahabshiil daneynayo in uu Jabuuti ku soo fidiyo nidaamka lacagta mobileka la isugu gudbiyo E.Dahab , islamarkaasina ay isla shirkadu ka dhiseyso Berbara  xarunta fibre optic ga isku xidhi doona Somaliland iyo Jabuuti (Red Sea marine communications cable ) oo ay shuraako ku yihiin shariikada isgaadhsiinta ee Somcable.

Category