9 QOF OO LOO XIDHAY SHABAKAD KHIYAANO AH OO LAGU LEEYAHAY KU DHOW 10 MILYAN OO KRONE

RH Kobenhagen: Booliska Denmark ayaa xiray sagaal qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen shabakad khiyaano oo abaabulan, taas oo la sheegay inay lacag ka dhacday ku dhowaad 300 oo qof, kana sameysay qiyaastii 10 milyan oo kroner.

Sagaalka qof, oo kala ah siddeed rag ah iyo hal haweeney, ayaa la xiray habeenkii Talaadada, kaddib howlgal boolis oo isku dubbaridan, lagana fuliyey siddeed cinwaan oo kala duwan oo dalka oo dhan ah.

Dadka la xiray ayaa da'doodu u dhexeyso 18 ilaa 34 sano, waxayna kala haystaan dhalashada Danish, Suuriyaan iyo Soomaali. Xiritaannada ayaa ka dhacay Jylland, Fyn iyo Sjælland.

Sida ay boolisku sheegeen, dadka la tuhunsan yahay waxaa lagu eedeynayaa inay khiyaano u geysteen ku dhowaad 300 oo qof, iyagoo ka helay lacag ku dhow 10 milyan oo kroner. Waxaa sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay isku dayeen inay khiyaano u geystaan ​​6,000 oo qof oo kale, taas oo haddii ay guuleysan lahayd lagu qiyaasay inay ka heli lahaayeen lacag dhan 220 milyan oo kroner.

SIDAY KHIYAANADU U SHAQAYN JIRTAY?

Dadka la tuhunsan yahay ayaa la sheegay inay iska dhigi jireen shaqaale bangi ama hay'ad dowladeed, iyagoo dadka ku qancin jiray in akoonnadooda bangiga ay halis ugu jiraan in la jabsado ama si sharci-darro ah loo isticmaalo.

Markii ay dadka cabsi geliyaan, ayay ku khiyaameyn jireen inay lacagtooda u wareejiyaan akoonno bangi oo ay tuhmanayaashu awood u lahaayeen inay maamulaan.

HOWLGAL BOOLIS OO WADAJIR AH

Howlgalkan ayaa waxaa isku dubariday Københavns Politi, iyadoo ay ka qeyb qaateen Syd- og Sønderjyllands Politi, National Enhed for Særlig Kriminalitet (NSK), Østjyllands Politi, Nordsjællands Politi iyo Fyns Politi.

Ku-xigeenka madaxa booliska Copenhagen, Bjarke Dalsgaard Madsen, ayaa sheegay in xiritaannadu ay ka dambeeyeen baaritaan dheer oo xooggan iyo wada-shaqeyn dhow oo dhexmartay booliska iyo hay'adaha kale ee amniga.

Wuxuu sheegay in la tuhunsan yahay ay muddo ururinayeen xogta dadka, kadibna ay si khaldan uga faa'iideysanayeen. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadka la tuhunsan yahay ay leeyihiin awood farsamo oo ka sarreysa heerka caadiga ah, taasoo kiiskan ka dhigaysa mid muhiim u ah la dagaallanka dambiyada dhaqaalaha.

BAAQ KU SAABSAN BAAARITAANKA

Booliska ayaa sheegay in baaritaanka kiisku weli socdo, isla markaana aysan meesha ka saareyn suurtagalnimada in dad kale loo soo qabto kiiskan.

Sagaalka qof ayaa la horgeeyay maxkamadda si loogu sameeyo grundlovsforhør (dhageysiga maxkamadda ee go'aaminta xabsiga ku-meel-gaarka ah), iyadoo xeer-ilaalintu codsatay in dhageysiga lagu qabto albaabadu u xiran yihiin.

Radio Hormuud | Wararka Denmark

Category