Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):– Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa qaabishay waftigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.

Hargeysa(RH):-Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa maanta qaraar ka soo-saartey murankii ka taagnaa dhaqangalka Xeerka Furista Ururada Siyaasada Somaliland ee Xeer Lr 14.

Maxkamaddu waxa ay ka garnaqday arjiga ku taariikhaysan 02/01/2022 ee ay Maxkamadda usoo gudbiyeen muwaadiniin ka kooban 24 xubnood ujeeddadiisuna tahay dacwad dastuuri ah oo ku saabsan dhaqangelinta Xeer Lr.14/2011 iyo furista ururrada siyaasada Jsl

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markale dib u magacaabay 14 masuul oo uu muddo 3 bilood iyo badh ka hor ah magacaabay, kadib markii shir’guddoonka golaha wakiilladu uu sheegay in ay muddo dhaaftay wakhtigii goluhu ansixin lahaa ee dastuuriga ahayd, dibna ugu celiyeen madaxweynaha.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021

Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya