 Hargeysa(RH)Ururka Dhalinyarada Ee Tabantaabo Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Saxafiyada Caankaa Ee Saynab Muxamed Cabdi Xasan Oo kamida Saxafiyinta ka hawlgasha Warbaahita Dawlada Gaar ahaan Tvga iyo Idaacada ,Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Ee Tabantaabo Mr.Jamaal Aadan Diiriye ayaa waxa uu tilmaamay Saynab Muxamed Cabdi Xasan ay intii uu jirey ururkani
in ay Si Mugleh Ugala shaqaynaysay dhamaan wixii hawlaa ee ku saabsan dhinaca Warbaahinta ah
isagoo ku tilmaamay inay Saynab mudadaa dheer ay ururka kula shaqaynaysay Mutadacnimo isagoo isla markaana ku amaanay sida hawl-karnimada leh ee ay kula shaqaysay Ururka Dhalinyarada Ee Tabantaabo isagoo isla markaana tilmaamay inaanay shahaado yari gudi karin Abaalkii ay Saynab ugashay Ururka Dhalinyarada Ee Tabantaabo balse ay tahay Shahaadadan yar Dhiirigalin Guubaabin iyo inay dadaalka iyo wada-shaqaynta halkaa kasii wado
Sidoo kale Saynab Muxamed Cabdi Xasan oo iyana markii Shahaadada la Gudoonsiiyey kadib madasha hadalo kooban kasoo jeedisay ayaa waxa ay xustay inay aad ugu faraxsan tahay Horumarka balaadhan ee ay sameeyeen Ururka Dhalinyarada Ee Tabantaabo iyadoo isla markaana usoo jeedisay inay isaka jiraan Sadex Cudur oo imika jira ku waasoo kala ah Qabyaalada Tahriibka iyo Balwada oo ay Carabka Ku adkeysay inay yihiin Cudurada hada jira ee Dhalinta Ragaadiya
Radio Hormuud.dk
Studio2
Hargeysa/Somaliland |