 Boosaaso (RH) Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta duhurkii kooxo hubeysan ay ku dileen halkaas Sulaa lagu magacaabi jiray Suldaan Muuse Faarax Muuse (Muuse Onkod).
Dilka Suldaanka ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso, sida ay Radio Hormuud u sheegeen dad goob joogayaal ah.
Kooxda dilka geysatay ayaa durbaba ka baxsatay goobta, waxaana isla markii soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada maamulka Puntland oo billaabay baaritaan ku aaddan dilka suldaanka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alaha u naxariistee Suldaan Muse Faarax 'Muse Onkod''
Marka la dilay kaddib oo warbaahinta uu la hadlay ayaa eheladi ,qaraabadii iyo umadda uu ka dhintey Suldaan tacsi uga direy isagoona Alle uga baryey in saamir iyo iimaan ka siiyo dadkii uu ka tagay Janadii Fardowsana ka waraabiyo ayuu yiri
''Waxa diley nabadiidka Puntland'' ayuu yiri madaxweyne Faroole oo u direy fariin qoyskii uu ka dhashay ee Muuse Saleebaan ''Ugaar Saleebaan'' oo ahayd in ay naftooda xakameeyaan.
Illaa hadda lama garanayo cidda dishay suldaanka oo ka mid ah salaadiinta ugu caansan Puntland iyo sababta ka dambeysa dilkiisa.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|