 RH.Kobenhagen: Haddii ardaydu rabaan in la siiyo deeqda dawladda ee waxbarashada (SU), waa inay galaan imtixaanka.
Waa sidaas farriinta dawladda, o qab ka ah dibuhabaynta soo socota ee lagu samaynayo deeqda SU-da, oo la adkaynayo shuruudaheeda, oo ay ka mid noqonayaan in ardaydu dhaqso u galaan imtixaannada. Sidaas waxa qoray wargayska Det skriver Jyllands-Posten.
- Ardayda ayaa la siiyaa deeqda ugu faxalsan ee la siiyo ardayda dunida, ayuu wargayska ku yidhi wasiirka waxbarashada sare Morten Østergaard (R).
- Waxa dhab ahaan laga rabaa, inay saacado buuxda wax dhigtaan oo toos u galaan imtixaannada, ayuu yidhi.
Iyadoo arrintani qayb ka ah dibuhabaynta dawladda, ayaa imtixaanku yahay wax ay tahay, in ardaydu ka qaybgalaan.
Ardayda oo dhan waa in toos loogu qoraa imtixaannada, oo aanay cudurdaar yeelan ka maqnaanshahoodu, iyadoo cudur keeno sabab u noqdo mooyaane.
Maanta ardaydu waxay xaq u leeyihiin, inay sannad dib u dhigaan imtixaannada, laakiin mustaqbalka waa inay ardaydu wax dhigtaan saacadao buuxa, si loo siiyo deeqda SU, ayuu yidhi.
Ardaydu ma arkaan sababta loo qasbayo.
- Dhibaatadu waa, in la abuurayo nidaam adag aan hayal samayn, ayuu yidhi Jakob L. Ruggaard, oo madax ka ah ururka dallada ardayda deenishka, sidu sheegay wargayska Jyllands-Posten.
- Ardaydu dib ugu ma dhigaan imtixaannada ciyaayir iyo inay iska fasax tagaan, ayuu yidhi guddoomiyaha ardaydu.
source.dr.dk
Tarjumaada: Axmed Aw Diiriye |