 RH: Kobenhagen: Haddii shandada lacagtu kaa lunto ama haddii mishiinka dankort uu shaqayn waayo, markaad bixinayso kirada, shirkadaha tagaasida ayaa kaa dalbada, inaad keento wax lagaa rahmo. Waxa laguu soo celinayaa, markaad lacagta bixiso.
Shayga lagaa rahmay wuxu noqon karaa tilifoon ama kaadhka caafimaadka, laakiin siday qabaan ururka adeegatadu waa sharcidarro arrintaasi.
- Laakiin haddii qofka ay ku dhacdo xaalad, tusaale ahaan la xaday kaadhkiisii, oo uu bixin kari waayo, waa in wax kale la sameeyo. Laakiin qofka lama qaadi karo tilifoonkiisa ama shay kale oo rahmaad ah, ayay idaacadda p3 ku tidhi Tina Dhanda, oo garyaqaan ka tirsan hayadda adeegatada.
Waa in xeerarka la raaco
Sababtu maaha in darawaliintu isku dayayaan, inay khiyaameeyaan qofka macmiisha ah, markay waydiinayaan rahmaad. Waxay raacayaan uun xeerar socdaalka ee khuseeya tagaasida.
Siday sheegtay Tina Dhanda looma isticmaali karo arrintaas cudurdaar:
- Marka aan fuulayo tagsi, ma ogi waxa ku qoran xeerhooseedka ay sameeyeen guddida tagsiyadu. Markii horena heshiis kula maan gelin, in la rahmayo tilifoonkayga, ayay tidhi.
In rahmaad la iska qaadaa waa sharcidarro, haddii heshiisku yahay mid mutadawacnimo ah. Haddii nasiibdarro dhacdo, siday sheegtay Tina Dhanda waxa qofka macmiisha ah la gudboon, inuu saxeexo caddayn tilmaamaysa in lagu leeyahay socdaalkaas, oo aanu bixin lacagtiisa.
- Caddayn waa la waydiin karaa qofka uu yahay, si darawalku u hubiyo, inuu helo lacagtiisa, ayay tidhi.
Ma jiraan xeerar cusubi
Ururka Dansk Taxi Råd, oo ugu wayn ururada tagsiilayda, ayaa sidan u arka inay sharci ahaan dhibaato gelinayso darawaliinta. Waana ay la yaabeen farriinta ka timi hayadda adeegatada.
Guddoomiyaha ururka Dansk Taxis Råd, Trine Wollenberg, ayaa qabta in darawaliintu raacaan sharciga.
- Maan fahmin sharcidarrada laga hadlayo. Waxaan rabaa inaan arrinta kala hadlo hayadda adeegatada, oo waydiiyo waxa aan sharciga ahayn, waayo xeerka tagaasida ayaannu raacnaa, ayay tidhi.
Hadalka hayadda adeegataduna ku kellifi maayo in ururka Dansk Taxi Råd wax ka beddelaan arrimaha mustaqbalka:
- Si cad aynnu u soo jeedinaynaa, in rahmaad laga qaado qodka bixin kari waaya lacagta. Haddii farsamadaasi shaqayn waydo, qofka ha la geeyo meesha ugu dhow ee lacag laga soo saari karo, ayay p3Nyheder ku tidhi Trine Wollenberg.
source.dr.dk
Tarjumaada: Axmed Aw Diiriye |