 Boorama(RH)Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa bookhday jidka isku xidha xeego iyo Boorama.Wasaairka ayaa waxaa Kormeerkiisan ku Wehelinayey deeq bixiyayaal caalamiya oo ka socday Midawga Yurub iyo hayada FAO U Jeedada Kormeerka Wasiirka iyo Xubnahan la Socdey ayaa la Xidhiidhay Sidii ay indhahooda ugu Soo arki lahayeen Howsha Dhismaha ka Socda jidka isku xidha xeego iyo Boorama.
Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadalay ayaa u mahad naqay deeq bixiyayaasha iyo dadka degaanka waxana uu xusay in hawsha halkan ka socotaa ay tahay mid aad u balaadhan waxana uu yidhi “ Waa wax lagu farxo in la arko dadka degaanka ooh awl qabsanaya, waana guul ay maanta indhaha soo saaree deeq bixiyaasha ila socda oo arkay meesha ay gashay lacagtoodu, waxa aan leeyahay jidkani waa mid muhiim ah oo halbowle ah oo u baahan in la sii taageero si loo baneeyo, loona sahlo iku socodka oo wax badan ka taraya in beeraha degaankani ay helaan wado sahlan oo laga soo iib geeyo dalagooda, waan u mahadnaqayaa mar kale deeq bixiyaasha waxaanan u sheegayaa in wali loo baahan yahay deeqdiina si wadooyinka gobolka oo dhan hormar looga gaadho”.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo iyagu halbawle u ah hawlaha halkaasi ka socda ayaa ka hadlay madashaasi waxana ay u mahad naqeen deeq bixiyayaasha, waxana ay sheegeen in wali loo baahan yahay kaalmadooda si guul looga gaadho wadadan iyo wadooyinka kale ee gobolka ee gabi ahaanba ah kuwa rafka ah, waxana ay yidhaaheen “ Wadadan aadka u adage e aad arkaysaan waxa aan isku soo qaadnay markii aan aragnay inay go’doon ku yihiin degaankan beero badan oo qani ah, waxa aan ku bilawnay iskaashiga dadka, waxana aan ku faraxsanahay in deeq naga soo gaadho FAO, oo noqotay hayad na soo gaarsiisay deeq wax ku ool ah, waxana naga go’an inaan u guntano sidii aan jidkan u banyan lahayn gabi aahaantiiba.
|