 Hargeysa(RH):- Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan qaybta la-dagaallanka argagixisada ee loo yaqaan SPU iyo RRU, ayaa caawa qabqabtay dad argagixiso looga shakiyey, kuwaasoo ay ka soo qabqabteen Huteello kuwa Hurdada ah oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq ee degmada Maxamuud-Haybe ee magaalada Hargeysa.
Ciidammadu waxay caawa xidheen dhammaan waddooyinka u gudba dhinaca degmooyinka Axmed-Dhagax iyo Maxamuud-Haybe, halkaasoo ay kaga jireen hawl-gallo ay ku qabqabanayeen Rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ee caalamku baadi-doonka ugu jiro.
Inkastoo aanay war rasmi ah Taliska Booliska iyo Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland midna ka soo saarin hawlgalkan Boolisku caawa sameeyey, haddana waxay wararku sheegayaan in hawlgalka ay Ciidammadu caawa sameeyeen yahay mid lagu qabqabanayo dad la tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ama ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Warar laga soo xigtay ila-wareedyo Booliska Somaliland ka ag-dhaw, ayaa sheegay inay qaybta la-dagaallanka argagixisada ee Somaliland ay daba socdeen dad lagu tuhunsan yahay inay argagixiso, kuwaasoo la sheegay in mid ka mid ah Guryaha Xaafadda Dumbuluq ee magaalada Hargeysa inay ku jiraan oo Ciidammadu ku hareeraysan yihiin.
Sidoo kale, waxay Ciidammadu gaadh ka qabteen laba ka mid ah Huteellada la seexdo ee Xaafaddaas oo ay ku tuhmeen dadka ay raadinayeen qaarkood. Waxaanay wararku intaa ku dareen in illaa lix qof lagu qabtay hawl-galkaas caawa.
Ciidammadu xidheen Meheradaha ganacsiga ee Total illaa Biriishka weyn ee Caasimadda afkiisa koonfureed ku yaallay, waxaanay joojiyeen guud ahaanba isu-socodka dadka iyo gaadiidka isaga gooshayey Xaafaddaas iyo qaybaha kale ee magaalada.
Dhinaca kale, labadii habeen ee ugu dambeeyay ayaa la sheegay inay Ciidanka Boolisku ay xidheen ama qabteen ugu yaraan 12 Nin oo la sheegay inay ka tirsan kooxaha argagixisada ah, iyada oo tirada dadka xalay iyo labada habeen ee ka horreeyey la qabtay isku noqonayso 18 Ruux, isla markaana waxa la sheegay inay Ciidanka ammaanku ku daba-jiraan kuwo kale oo la sheegay in ay meelo kala duwan laga soo qabtay.
Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland.
|