 Muqdisho (RH) Maxkamadda racfaanka gobalka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dacwad loo heesto wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim iyo haweeney uu wareestay oo sheegtay in ay kufsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sida uu maxkamadda ka sheegay garsooraha dhageysiga dacwadda wariyaha iyo haweeneyda ayaa dib loo dhigay ilaa February 27.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shantii bishan February waxay labadan eedeysane ku xukuntay xabsi min hal sano ah, kaddib markii lagu eedeeyay in warbixinno been abuur ah ka fidiyeen ciidamada dowladda.
Qareenka u doodaya labada qof Maxamed Maxamuud Afrax ayaa warbaahinta u sheegay inay maxkamadda hor geyn doonaan markhaatiyaal iyo caddaymo muujinaya inaanay dambi lahayn weriyaha iyo haweeneyda la xukumay.
“Waxaan rajeynaynaa in labadan qof ay helaan xukun cadaalad ah, waxaana rajeynaynaa in xabsiga laga sii dayn doono,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Faarax.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in hay’adaha garsoorku ay yihiin kuwo madax-bannaan oo aysan faragelinayn, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen inay tixgelinayaan hadba go’aanka ay maxkamaduhu gaaraan.
Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto hay’adda Human Rights Watch ayaa cambaareeyay xukunka maxkamadda, waxayna ugu baaqeeyeen maxkamadda rafcaanka inay laasho xukunka lagu riday labada eedeysane.
Sidoo kale waxaa cambaareeyay xukunkaas beesha caalamka, gaar ahaan waddamada reer galbeedka sida Maraykanka iyo Britain.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia |