BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
7 visitors online
Total visits: 529027
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:46
Shuruq04:37
Dhuhr13:08
Asr17:34
Maghrib21:37
Isha23:20


War Murtiyeed laga soo saaray shirkii madasha wadatashiga qaranko ee Muqdishi


Xasan Xanafi oo la toogtay


Shirka Muqdisho uga furmay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada


Barnaamij looga hadlaayo Wabiga Shabeelle oo guray


Muqdisho oo laga mamnuucay gaadidka aan taarikada lahayn


Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ku sugan Hargeysa ayaa u warramay Radio Hormuud


Maayorka Degmada Bali-gubadle iyo Xildhibaano Oo Bulshada Baaq u direy


Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis ku gaaray Garowe


29 qof oo ugu dhintay abaaro Jubbada Hoose


Bangiga Premier ee Soomaaliya oo billaabay kaararka VISA


Fallanqeyn: Booqashada Madaxweyne Obama ee Cuba

Wargelin: Latest news from Denmark - Newsletter - - -
Hormuud News     Friday, May 27th, 2016 | 10:17
[Wednesday, February 20th, 13] :: Maamulka Bidhaan Huteel oo Beeniyey Warar ay Warbaahinta Qaar Ka Faafiyeen

Share |
news image

Hargeysa(RH):-Maamulka Hoteelka Hurdada ee Bidhaan ee magaalada Hargeysa ayaa beeniyey Warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, kuwaasoo sheegay in Ciidamadda Boolisku xalay dad looga shakisan yahay argagixiso oo Boolisku baadi-goobayeen inay Bidhaan Huteel galeen, isla markaana qaarkood halkaa lagu soo qabqabtay.

Hase-yeeshee, Maamulka iyo Mulkiilayaasha Bidhaan Huteel oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Huteelkaas oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq oo ka tirsan Degmada Maxamuud-Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa beeniyey warkaas oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado oo Sumcadda ganacsigooda wax loogu dhimayo, iyaga oo sheegay inaanay jirin dad ay Ciidammada Aammaanka Somaliland ka soo qabteen huteelkooda oo argagixiso lala xidhiidhinayo iyo kuwo kale toona. Waxaanay ku doodeen oo ay intaa ku dareen inaanay jirin Ciidan galay ama baadhitaan ku sameeyey Bidhaan Huteel.

Maamulaha Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed Koosaar oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa si adag uga hadley wararkaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo xaqiiqada ka fog. “Warbaaahinta waxa looga baahan yahay inay marka hore iska hubiyaan wararka ay baahinayaan, waayo? Xalay dhacdadii halkan ka dhacday iyagoon waxba naga soo weydiin ayey iska baahiyeen Bidhaan Hotel ayaa laga qabtay niman looga shakisan yahay argagixo, taasina waa been-abuur, mana jiraan Boolis Huteelkan Bidhaan soo galay ama baadhitaan ku sameeyey iyo cid Bidhaan Huteel laga qabtay toona.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed.


Sidoo kale Maamulaha Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed Koosaar, ayaa isagoo ka hadlaya sidii ay wax u dhaceen xalay waxa uu yidhi; “Xalay abbaaro 11:00-kii habeennimo ayaa waxa aannu ku war-helnay Ciidammada Booliska ee SPU-da iyo RRU-da loo yaqaan oo guud ahaan Xaafadda ku wareegsan, kuwaasoo ujeeddada iyo bartilmaameedka uu ku ay ku socdeen guryahan Huteelka ka dambeeya, halkaasoo ay dad dhawra ka qabteen guryaha ka danbeeya hotelka waxa loo qabtayna aannaan ka warhaynin. Laakiin, Bidhaan Huteel Ciidan soo galay ama baadhitaan ku sameeyey oo cid ku qabtay ma jiro, Ciidankuna jidadka iyo Meheradaha Xaafaddan Huteelku ku yaallo way xidheen intii hawlgalka ay ku jireen.”

Xuseen Maxamed Koosaar, waxa uu sheegay in dadka Huteelka ku soo dega Soomaali iyo Ajaannib-ba ay waraysiyo la sameeyaan intaanay Huteelka ka kiraynin, isla markaana ay ogaadaan qof kasta oo Huteelka deggan halka uu ku socdo, halka uu ka yimi iyo Sharciga uu dalka ku soo galay. Isla markaana, ay wada-shaqayn toos ah leeyihiin Laanta Socdaalka Somaliland oo ay arrimahaa kala shaqaysa Hudheellada Hurdada ee lacagta lagu seexdo.


Sidoo kale, waxa isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay Mulkiilaha Bidhaan Huteel CabdiShakuur Bidhaan oo sheegay inuu been-abuur lagu deg-degay uu yahay warka lagu sheegay in Bidhaan Huteel dad looga shakisan yahay argagixiso ay galeen oo ay Ciidammada Boolisku soo qabqabteen xalay, waxaanu yidhi; “Warbaahinta waxaan leeyahay maaha in sabab la’aan aad u dacaayadaysaan Ganacsi ama Meherad Muwaaddin reer Somaliland ah oo isagu cid walba ka nabadgelyo jeceli leeyahay mana habboona in ganacsiga of war aan jirin laga sheego. Markaa, warbaahintii warkaas qortay ee Hubaal, Halbeegnews iyo kuwo kale, waxaannu uga fadhinaa inay caddeeyaan waxa ay baahiyeen ee beenta ah.”

“Ciidammada Booliska ee RRU-da iyo SPU-du markay Xaafaddan Dumbuluq yimaaddeen aniga oo Huteelka Hortaagan ayey Gaadhi hortayda oo waddada ah kaga degeen, waxay igu yidhaahdeen; ‘gal gudaha, albaabkana xidh, daaqadahana lama furi karo’ haye baan idhi, gudaha Huteelkaan soo galay, albaabkiina waan xidhay, Xaafadaha dambe ayey baadhitaan ku bilaabeen guryo ay si gaar ah ugu socdeen, dadna ka qabqabteen, laakiin Ciidan Bidhaan Huteel soo galay iyo kuwo baadhay iyo kuwo cid ka qabtay midna ma jirto, cidda warkaa faafisayna caddeyntiisaannu ka doonaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdishakuur Bidhaan.

 

 

 

 

Dhinaca kale Maamulaha Hotelkani Bidhaan Xuseen Maxamed Koosaar waxa uu si adag uga hadlay inaanay waxba ka jirin wararkaa laga baahiyey Hotelkani Bidhaan waxaanu yidhi{ Sidaan horeba u cadeeyey falkii xalay halkani ka dhacay muu ahayn mid sinaba u khuseeyey wax aanan markale halkani Bulshada uga cadeynayaa inaanu warkaas beenta ee nalaga bahiyey wax ka jiraa jirin ila markaana cidii baahisay aanu sharciga la tiigsan doono isla markaana waxaan halkani macaamiisha Hotelka iyo Dadweynaha kale uga cadeynaynaa inaan warkaasi habayaraatee wax ka jiraa jirin

 

By Maxamed Jiciir Aw Axmed

Maxamed.jiciir@gmail.com

Radio Hormuud.dk
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Wednesday, February 20th, 13

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Dadka Muqdisho oo aragtidooda ka dhiibtay go'aanka Madaxweynaha


Afhayeenka Madaxweynaha oo saxaafadda u akhriyay Xeerka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha


Madaxweyne Xasan oo xeer ka soo saaray hannaanka doorashadda Soomaaliya


Mid ka mid ah hooyooyinka dhalay seddax dhallinyaro oo maxkamad uga socota Mareykanka


Lo’ Dibadda laga keenay oo Muqdisho lagu dhaqayo


AMISOM oo laga rarayo garoonka Stadium Mogadishu


Bannaabax lagu dalbanayay xuuqda gobalka Banaadir oo ka dhacay Muqdisho


Wasiirka arrimaha gudaha oo la hadlay odayaasha iyo waxgaradka ku howlan dhismaha maamulka Shabeelaha Dhexe & Hiiraan


Dowladda Soomaaliya oo shaqaale u direysa Sacuudiga


Ilka Xanaf oo oggolaaday xilka laga qaaday


Kismaayo oo tartan orodka loo qabtay dadka naafada


Kenya oo la shirtay mid ka mid beelaha gobalka Gedo


Cali Khaliif Galeyr oo Puntland eedeeyay


Kooxda kubadda cagta Soomaaliya oo markale laga adkaaday


Abaal marin la guddoonsiiyay arday ka qeybgashay tartan qur'aan akhris


Cudur aan la aqoon oo dad kor u dhaafaya 100 qof ku dilay Jubbada Dhexe


Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad isku soo taagaya xilka madaxweynaha sannadkan 2016


Dugsiga Abaarso ee Seyniska iyo Teknoolijiyada


Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo ka Hadley Dhalinyaradii Bada ku Nafwaayey


Maamulka Lughaye oo ka warbixiyay carruur ku dhintay badda