BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
7 visitors online
Total visits: 416530
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:49
Shuruq04:40
Dhuhr13:08
Asr17:33
Maghrib21:34
Isha23:17


Wasiirka warfaafinta somalilad oo ka waramay arimo ay ka mid tahay ,sabata ay RadioHargeysa hawada ugabaxday.


Heesta todobaadka. codkii Fuaad Cumar iyo Heesta Sarbeeb


Munaasibad lagu Xusayey Maalinta Shaqaalaha Oo lagu Qabtey Magaalada Hargeysa


Itoobiya iyo Somaliland oo shir ugu soo gabagaboobay Hargeysa


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyayaasha Ciidama Oo Warbixin Siiyey Golaha Wakiilada


Wasiirka Warshadaha Somaliand Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Dhawaan ka Soo yeedhay Pro:Samatar


Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Xarunta jaamacada Beder tababar uga soo xidhay Macalimiin Quraan


koofurta waxaa laga rabaa in ay banaanka soodhigaan waxay hibaynayaan. Prof.Samatar


Gudomiyaha Ururka Qareenada Gobolka Sanaag Oo Ka War Bixiyay Safar Uu ku Soo Marey Degmoyinka Gobolka Sanaag


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka hadley Furitaanka Talaalka Cudurada Dilaaga ah


Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadley Shirkii Turkiga iyo Kulan uu la yeeshay Ugaaska Beesha Ciise iyo Arimo Kale

Wargelin: - KU SOO DHAWOOW RADIO HORMUUD XARUNTA WARARKA SUGAN SIFEEYAHA XAQIIQDA. - - -
Hormuud News     Saturday, May 25th, 2013 | 08:06
[Thursday, February 21st, 13] :: Somaliland Qaran uu qof kaliyi Qiimeeyo!

Share |
news image

W.Q. Xassan Cumar Hoori“. Kolba dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub.” James M. Buchanan Jr., 1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha iyo aqoonta siyaasadda.

Haddaba, dad faro badan oo aan ka mid ahay waxaan ku fooggan nahay in aan kolba dhagax rogno annaga oo ka baadi-goobaynna waxa xun qarankan aan ku aaminnay lafaheenna iyo aayaheenna iyo hogo-tusaalaynta sidii looga gudbi lahaa. Allaylahe, maantaba, dhagaxii aan rogay waxaa ka soo mudh yidhi arrin mudan in laga wada hadlo, “QARAN UU QOF QIIMEEYAY!”, Qarankuna raalli ka yahay.

Waa madal ilyarto is qabsatay, Hotel Maansoor, Hargeysa, 20/02/2013. Waxaa fadhiya qof-doorkii qaranka. Madaxweyne iyo xukuumadiisii, Shir-guddoon goleyaal qaran iyo xubnahii xeerdejin, culimo, aqoonyahanno iyo waxgaradkii. Waxaa loo kulansan yahay in NIN laga guddoonto 100 abaalmarin (badanaa halyeeyada qaranku) oo lagu asteeyay labeentii dalka ee wax ka taray dhinacyada siyaasad, nabad, diin, aqoon, suugaan iyo wax kastoo ummaddu horukac ku gaadhi karto.

Waxaan u hambalyaynayaa Rashiid Sulub oo isagu hindisay, ka hawl-galay, soona bandhigay
billadaha. Waxaa uu curiyay aragti cusub oo aad loogu baahnaa. Waxaana uu muujiyay dedaal dheeraad ah, lexejeclo daleed iyo karti uu ku soo xaadiriyo labeentii dalka. Isaga ayaa mudan billadda ugu sarrayeysa weliba aniga oo insha Allah meel madal ah ku guddoonsiin doona. Waxaan jeclahay inuu iga aqbalo mar haddii isagaba taas oo kale qaranku ka aqbalay.

Haddii la waayo cid qiimaysa oo abaalmarisa kan wanaagsan iyo kan xunba, shaki kuma jira dadku in uu “jaantaa roggan” dan moodo. Waa sidaa sunnaha tan hore (ifka) iyo tan danbe (aakhiro) labadaba.

Hase ahaatee, waxaa is weydiin mudan in marka hore la qiimeeyo cidda qaran qiimayn karta. Waxaan soo daliishanayaa dhammaan hay’adaha ku takhasusay arrinkaas, heer qaran iyo mid caalamiba. Waxaa shardi ah in ay kullansadaan dhowr arrimood oo qiimaynta lagu qaddariyo. Waxaa ay ka siman yahiin; Kow waa hay’addo qotto-dheeri cilmi iyo milgo leh; Labo waxaa ku kulma aqoonyahanno takhasus dheeraad ah u leh xaajada; Saddex waxaa ku kaydsan dhammaan xogaha takhasusyada ay dadka ugu gar-qaybinayaan; Afar waxaa si cilmiyeysan looga hawl-galaa (research) mawduuca laga hadlayo iyo ciddii ehel u ah; Shan abaalmarinta ay bixiyaan waxaa ku lifaaqan aqoonsi caalami ah, magac iyo dhaqaale qofkii ku guulaysta uu ku sii dardargeliya sii ambaqaadka hawsha.

Hay’adda Noble

Hay’adda abaalmarinta Nobil Price waxaa ay soo jirtay 113 sannadood. Waxaa aasaasay maalqabeen Alfred Nobel. Haddaba, si loo xulo dadka u qalma abaalmarinta waxaa ka hawlaga hay’adaha soo socda oo si toos iyada ugu sidkan.
1. Jaamicadda The Royal Swedish Academy of Sciences kuwasoo qiimeeya abaalmarrinada Physics, Chemistry iyo Aqoonta Dhaqaalaha.
2. Guddiga Nobel-ka ee Jamicadda Karolinska Institutet ee qiimeeya abaalmarinta culuumta Dhismaha Jidhka (Physiology) iyo Daweynta (Medicine).
3. Jaamicadda The Swedish Academy oo bixisa abaalmarinta Suugaanta.
4. Guddiga The Norwegian Nobel Committee oo laga soo doorto barlamaanka Norway kuwaasoo soo qiimeeya abaalmarinta NABADDA iyagoo la kaashanaya jaamicadda.
5. Hay’adda Dhowrista Xuquuqda ee Nobel oo iyagu soo qiimeeya Warbaahinta, Matxafyada iyo Xuquuqda Aadami.

Abaalmarinta Boqor Faysal
Abaalmarinta Boqor Faysal ee dalka Sacuudiga waxaa, sannad kasta, lagu qiimeeyaa dadka saamaynta ku leh aqoonta iyo horumarinta. Waxaana si gaar ah loogu bixiyaa abaalmarinnada kala ah:
• U adeegista Diinta Islaamka
• Aqoonta Diinta Islaamka
• Aqoonta Luqada Carabiga iyo Sugaanta
• Culuumta (Science)
• Daweynta (Medicine)

Si loo soo kala xulo cidda u qaalanta abaalmarinta, Guddiga Abaalmarinta Boqor Faysal waxaa ay adeegsadaan toddoba jaamicadood iyo 5 hay’ad aqooneed.

Sida oo kale abaalmarinnada Nabadda Africa (APA) ee hay’dda ACCORD, Koonfurta Afrika, Nabadda Dunida (The World Peace Prize Award), Maraykan iyo Oscar ama (Academy Awards) waxaa ka hawlgala jaamicado iyo xeeldheerayaal aqoon u leh xog-ururinta iyo xulashada dadka ugu mudan. Hawshu, sidenna bil laguma soo ururiyo si waxaa laga hawl-galaa maalin kasta oo sannadka ka mid ah.
Haddaba aniga oo aan duudsiyeen dedaalkii Rashiid Sulub Caalin waxaa ayaan-darro ah hay’adahii wax qiimayn lahaa in ay qiimayn ka sugaan qof ama koox. Waxay ahayd in xukuumaddu diiwaan-geliso cidda qiimayn karta qaranka iyadoo aan ka soo dheeganaynnoo dunida kale. Iyo in la qeexo haybta (status) laga rabo. Waxay ahayd jaamicadahu in ay kaabaan dedaalka muwaadinka iyagoo ku xoojinaya aqoon, iyo xogo lagu qiimayn kara qofka. Hase yeeshee, jaamicadahii waxay noqdeen qalin aan qiimahiisa aqoon marka hormoodkii ku qanacsan yahy shahaadada uu siiyay ardaygiisu. Haddii dawadii bukooto maxaa lagu dabiibaa?


Damiir, dadnimo iyo wanaag badan ayaan ku tuhmayay culimadeenna. Waxaase la yaab leh abaalmarinta ay guddoonteen iyadoo aan loogu yaboohin macallinkoodii iyo muftigii qaranka, Fadiilat Al-Shiikh Maxamuud Suufi Maxamed. Sida aan culimada ka maqlay marka horeba isaga ayay uga danbeeyaan aqoonta diinta, mar labaadna waa nin aan dacwadda ka baxin maalin qudha, haddii uu ahaa Wasiirka Awqaafta iyo hadda uu yahay Imaamka Masjid Jaamaca isagoo si joogta casharro uga bixiya misaajidka iyo warbaahinta. Is daba marintu waxay ka muuqatay qayb kasta oo lagu magac-dhabay abaalmarinta.


Dhinaca kale, abaalmarintu waxay u muuqatay mid beelaysan. Arrintaas ma ah mid lagu cannaanan karo Rashiid Sulub oo hawsha soo qabanqaabiyay. Waxaan qabaa dadka uu xogta ka soo urruriyay in qof kastaa carrabka ku dhuftay mid ay isku reer yahiin. Mar haddii aan taas sheegay, waxaan ku darayaa, sidaa oo kale, abaalmarintu uma ekeeen mid qaran haddii in ka badan 90% dadka la abaal mariyay ay ka soo jeedeen beesha dhexe. Qabiilna qaran noqon waa.
Waxaan rajaynayaa sannadka sannadkiisa, insha Allah, in Rashiid soo bandhigo qiimayn qaran oo uu la soo kaashaday dadka aqoonta u leh. Waxaanna ku rajo weyn ahay inuu ka faa’iidaysan doono aqoonta iyo xogaha ceegaagta dalkeenna.


horri@somalilandsun.com

posted on Thursday, February 21st, 13

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Dr.Edna Aden oo Waraysi siisay BBC


Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Safiirka Somaliland iyo Somalia U Qaabilsan Midowga Oo Si wada jira Ka Warbixiyey Kulan ku dhexmaray


Dhagayso: Suldaan Maxamed Sul: C/Qadir oo dhalliil kulul u jeediyey Xukuumadda


Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac oo maanta BBC uga waramay sidii ay ku timid gooni isutaaga Somaliland


Dhagayso: Hadal Madaxweyne Siilaanyo xalay ka jeediyey Madaxtooyada


Dhagayso Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Xuskii 18-ka May


Buslahada Ku Nool Degmada Salaxley Oo Si Mugleh Uga Qayb qaatey Xuska 18 May


Wasiir Xirsi oo ka hadlay waxa Gabayga ku kallifay


Barnaamijka Jimcaha ee Radio Hirad


HEES CUSUB: MURSAL IYO KHADRA. 18.MAY


Ku Xigeenka Xoghayaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadley Dilkii Ka Dhacay Burco Waraysi


Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xog Waran ah la yeeshay Ardayda Dhigata Jaamacadaha Dalka


Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Dusha ka Saarey Rabshadihii Shalay ka dhacay Burco


Madaarka Hargeisa oo dib loofuri doona 20.Jun.2013


Wasiir Xagla-toosiye oo Sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo


Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Furey kulan la gaga Hadlayo Sixitaanka Siyaasada Qaranka


Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Ka Hadley Xeerka Caasimada iyo Mooshin la Horkeenay Wakiilada


Hees cusub oo loogu talagalay munaasibada 18.May.2013


Wasiirka Deegaanka Somaliland oo ka warramay dib-u-dhac Wasaaraddiisa hadheeyey iyo waxa u qabsoomay


Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay kana war bixiyay Safarkiisa