 Muqdisho (RH) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo khamiis ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Japan u soo magacowday dalka Soomaaliya.
Munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somalia ayaa madaxweynaha markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira.
Danjire Takata ayaa isna sheegay in Japan ay Soomaaliya horay ugu deeqday lacag gaareysa $200 oo milyan oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed iyo soo celinta nabadda.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20 dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan.
Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in danjirahan cusub ee wax yaabaha ku soo dhiiri galiyay in uu dalka yimaado ay ugu horreyso horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia
|