 Muqdisho (RH) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta Arbaca ah xilka guddoomiyaha baarlamaanka u doortey Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horrey afar sanno xilkan u hayey.
Waa markii labaad oo Jawaari uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka 10kii sanno ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka 10-aad Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ee doorashadda guddoonka baarlamaanka.
Jowari ayaa helay 141 cod
Xiddig ayaa helay 97-cod
Gesey 17-cod
Dhakhtar ayaa helay labo cod
Xildhibaannada ayaa intaas kaddib u hamableeyay guddoomiyaha cusub ee la doortey, waxaana seddax musharrax ee kale ee laga adkaadey ay sheegen in ay ku qanacsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashadda.
Musharrixiinta laga guuleystay ayaa ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan Jawaari.
Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jawaari oo khudbad ka akhriyey goobta ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay qaabka ay doorashada u dhacday isagoo u mahadceliyey xildhibaannada doortey iyo kuwa aan dooran, waxaana uu ballan qaaday in uu la immaan doono qorshayaan cusub iyo dhammeestirka wixii u qabsoomay baarlamaankii sagaalaad.
Si kastaba, aad ayaa loo hadal hayey in uu Jawaari ku guuleesan doono xilka guddoomiyaha baarlamaanka 10-aad balse waxaa su’aal ah cidda berri ku guuleesan doonna xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.
Dabbaal degyo ayaa ka billowday xarunta baarlamaanka iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo waxaa la sheegayaa in rasaas ay dhaceyso lagu sheegay dabbaal deg.
Jawaari ayaa ahaa guddoomiyaha baarlamanka hore ee Soomaaliya ee intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.
Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale berri qaban doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad, oo musharaxiin aad u tiro badan ay ku loolamayaan.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia |