BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
5 visitors online
Total visits: 551092
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr03:14
Shuruq05:02
Dhuhr13:17
Asr17:37
Maghrib21:30
Isha23:11


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May


Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlayo shirka London


Madaxweynaha CAF oo booqasho ku tagay Muqdisho


Madaxweynaha oo ka warbixiyey shirka madaxda Soomaalida

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Wednesday, July 26th, 2017 | 00:29
[Monday, April 17th, 17] :: Madaxda Soomaalida oo Muqdisho ku shiray ayaa heshiis gaaray

Share |
news image

Muqdisho (RH)-Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017.

Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.

2. Madaxdu waxa ay bogaadiyeen dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkuba.

3. Madaxdu waxa ay garwaaqsatay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, waxaana la isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.

4. Madaxdu waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

5. Madaxdu, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida dalka iyo mabda’a dib-u-heshiisiinta, waxa ay dhiirrigelinayaan wadahadalka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna-Waljamaaca.

6. Madaxdu waxa ay isku raaceen siyaasadda amniga qaranka iyo hannaanka loo marayo hirgelintiisa, taasoo ay garwadeen ka noqonayaan Golaha Amniga Qaranka.

 

7. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

8. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlad-goboleedyadu (mid kasta).

9. Madaxdu waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.

10. Madaxdu waxa ay isla garteen in si dhakhso ah loo bilaabo, loona dardargeliyo qorshaha hannaanka geeddi-socodka doorashada 2020ka.

11. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

12. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo.

13. Madaxdu waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha horumarinta qaran (NDP) iyo mudnaantiisa, waxayse isku raaceen in la sameeyo tiro koobka dhabta ah. Waxaa kale oo la isla gartay heshiisyada iskaashiga cusub (New Partnership Agreement).

14. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso.

15. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

posted on Monday, April 17th, 17
Mohamed Ali
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib


 

Would you like to comment?


Faalladaada ku qor halkan, si aanu ugu baahino dadweynaha




Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco