BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
26 visitors online
Total visits: 554513
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr06:13
Shuruq07:55
Dhuhr12:55
Asr15:18
Maghrib17:53
Isha19:30


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Monday, October 23rd, 2017 | 17:13
[Monday, August 7th, 17] :: Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Daahfurtey Barnaamijka Gudbinta Xirfadaha

Share |
news image

Hargeysa(RH)Sida aynu la wada socono Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay u taagan tahay qoridda, horumarinta, tayaynta iyo maamulidda shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Iyada oo laga shidaal qaadanayo awoodda dastuur ee hay’adda iyo kor u qaadidda aqoonta iyo tayada shaqaalaha ayaa hay’addu waxa ay muddaba wadday wada tashiyo ku saabsan sidii looga faa’iidaysan lahaa dadka aqoonta iyo xirfadaha leh ee reer Somaliland ee ka imanaya debedaha isla markaana muddo gaaban joogaya dalka.

Dadkaasi waxa ay inta badan jecel yihiin in ay dalkooda hooyo uga faa’iideeyaan wakhtiga ay joogaan nasiibdarrose ma helaan tilmaan iyo ciddii isu xilqaami lahayd inay uga faa’iideeyaan dalka, taasina waxay keentaa in ay sidaa ku noqdaan iyada oo aan laga faa’idaysan.

Sidaas darteed, laga bilaabo 3 August 2017 waxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa barnaamij lagu magacaabo “Barnaamijka Gudbinta Xirfadaha” ama “Skills Transfer Program” kaas oo looga faa’iidaysan doono aqoonta iyo xirfadda dadka reer Somaliland ee dalka booqasho gaaban ku imanaya.

Barnaamijkan ayaa Hay’adda Shaqaaluhu iyada oo kaashanaysa Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda waxa diyaarin doontaa tababarro gaagaaban iyo qaar xirfadeed oo dadkaasi ay u qaban doonaan shaqaalaha dawladda ee kala duwan iyada oo loo eegayo nooca baahida iyo aqoonta qofka. Intaas ka dib Mac-hadku waxa uu bixin doonaa shahaadooyin uu guddoonsiinayo shaqaalaha dhammaysta tababarradaas sidoo kelena Hay’adda shaqaaluhu waxa u saari doontaa guddi dabagal ku samaysa sida looga faa’iidaystay aqoontii iyo sida looga hirgeliyay goobihii shaqada. Barnaamijkani waxa kele oo uu samayn doonaa Database ama Xog-kaydiyo lagu ururin doonto dadka aqoonta iyo xirfadda leh ee debedda ku nool taas oo iyaduna noqon doonta xog qaranku uu ka faa’idaysan karo.

Haddaba iyada oo hawshu ay bilow tahay, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay wejiga hore ee barnaamijkan ay ka hir gelinaysaa dalka Sweden, halkaas oo xubno ka mid ah dadka reer Somaliland ee dalkaas ku nooli ay si rasmi ah hay’adda ugala shaqayn doonaan. Intaas ka dib waxa uu barnaamijku ugu fidi doonaa dalalka kale ee adduunka.

Barnaamijkani maaha mid lacag lagu bixinayo ama lacagi ay hay’adda ama shaqaalahaba ka soo gelayso. Dhammaan tababarrada iyo shaqada la qabanayaa waa mid tabarruc ah oo aqoon yahannadu ay wakhtigooda u hureen in ay dalka uga faa’ideeyaan aqoontooda shaqaalahana laga filayo inay iyaguna aqoontaa ka faa’iidaystaan si shaqadoodu intii hore uga sii wanaagsanaato.

Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay si gaar ah ugu mahadnaqaysaa Maxamed Ismaaciil Ibraahim iyo Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) oo barnaamijkan kala shaqeeyay ahna xubnaha sida rasmiga ah ugala shaqayn doona hay’adda dhanka debedaha. Iyada oo fadhigoodu yahay magaaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay u heellan tahay in ay gudato waajibaadkeeda qaran ee dastuurku uu ku waajibiyay waxaanay ballan qaadaysaa in ay garaaci doonto albaab kasta oo fursad u siinaya horumarinta iyo kor u qaadista tayada iyo aqoonta shaqaalaha dawladda si aynu u helno dawlad la jaan qaadi karta dalalka horumaray ee caalamka koowaad.

 

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somalilad

 

posted on Monday, August 7th, 17

  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia