BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
9 visitors online
Total visits: 555760
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr06:57
Shuruq08:47
Dhuhr12:56
Asr14:40
Maghrib17:03
Isha18:47


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Friday, November 17th, 2017 | 20:24
[Wednesday, September 6th, 17] :: Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay sharci ahayd in Qalbi dhagax lagu wareejiyo Itoobiya

Share |
news image

Muqdisho (RH) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah soo saartay war cad oo ku aadan arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo dhawaan lagu wareejiyey dowladda Itoobiya.

Kulanka oo ahaa mid aan caddi ahayn ayaa waxaa laga soo saaray toddobo qodob oo looga hadlay shirka golaha wasiirada.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Yaarisow ayaa saxaafadda u akhriyey qoddobada ka soo baxay shirka.

Wasiirka ayaa ugu horreyn sheegay in golaha wasiirada ay isku raaceyn in uu Cabdikariin Shiikh Muuse uu ahaa nin ka tiran urur argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida isla markaama uu amni darro ka waday dalka iyo gobalka geeska Afrika sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijineyso in dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax ay ahayd mid sharci ah maadama uu ahaa nin xiriir la leh waxa loogu yeero “Argagixisada”
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay

Kulanka maanta golaha wasiirada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in shirka loogu yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari balse kama soo qeybgalin.

Ma cadda waxa hadda keenay in dowladda Soomaaliya ay si cad uga hadasho arrinta Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ahayd mid si weyn loo hadalayey maalmihii la soo dhaafay.

Halkan Hoose ka Akhriso Qoddobada ka soo baxay shirka golaha wasiirada

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.

Si kastaba, go’aankan ayaa soo gabagabeenaya aamusnaatii dowladda ee arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo toddobaadkii horre dowladda ay ku wareejisay xukuumadda Addis Ababa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

posted on Wednesday, September 6th, 17
Mohamed Ali
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib


 

Would you like to comment?


Faalladaada ku qor halkan, si aanu ugu baahino dadweynaha




DHAGEYSO: Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Madaxweyne Farmaajo ka hadlay mucaaradnimada lagu hayo dowladiisa


Madaxweyne Ku-Xigeenka S/land Oo lagu soodhaweeyey Gobolka Hawd


Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga