BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
8 visitors online
Total visits: 553465
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr05:16
Shuruq06:54
Dhuhr13:04
Asr16:18
Maghrib19:12
Isha20:44


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May


Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlayo shirka London


Madaxweynaha CAF oo booqasho ku tagay Muqdisho

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Friday, September 22nd, 2017 | 22:31
[Sunday, September 10th, 17] :: Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo lagu Soo Dhaweeyey Deegaano ka Tirsan Gobolka Maroodi-jeex

Share |
news image

Faro-weyne(RH)Guddoomiyaha KUKLMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey degmada Faro-weyne iyo deegaanno hoos yimaadda oo ay ka mid yihiin Waddo-Makaahiil, Bandar-ammaan iyo meelo kale oo dhammaantooda ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.


Wefti uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweyna KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah hoggaanka heer qaran ee garabka haweenka KULMIYE oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ku marayey gobollada galbeedka Somaliland, kana soo kicitimay magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley saaka, ayaa ugu si qiime leh ay kumanaan shacabka degmada Faro-weyne ah oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo sawirrada murrashaxiinta xisbiga ay ugu qaabileen magaalooyinka Farawayne, Waddo-Makaahiil, Bandaramaan iyo sidoo kale Abaarso.


Taageerayaasha xisbiga KULMIYE eek u dhaqan degmada Faro-weyne oo wata boqollaal gaadiid ah iyo tiro gammaan ah oo loogu lebbisay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa goob magaalada ka baxsan kaga hortegay murrashaxa iyo weftigiisa, waxana socod dheer kadib loo gelibiyey goob fagaare ah oo si faraxsannimo leh loo qurxiyey, taas oo ay weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.


Soo dhaweynta ay bulshada degmada Faro-weyne ku qaabishay Guddoomiyaha oo ahayd mid si weyn indhaha usoo jiidatay, ayaa waxa hormood ka ahaa cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haweenka, haldoorka iyo aqoonyahanka degmada oo ay wehelinayaan maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada, waxana hadallo shacabka soo dhaweynta wacdaraha wadatay loogu mahadnaqay halkaas ka jeediyey xubno weftiga iyo dadka deegaankaaba isugu jira.


Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Faro-weyne oo ay kamid yihiin Suldaan Ibraahim Sulub, Suldaan Aadan Suldaan Aamin Faarax, Suldaan Xuseen Ismaaciil, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa murrashaxa iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada shaqo ee ay halkaas ku tageen, waxana ay shaaca ka qaadeen in dhammaanba bulshada degmadu ka siman tahay taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.


Siyaasiyiyiin miisaan ku leh xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdicasiis Maxamed Samaale, maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Badhasaabka gobolka Togdheer Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug, Cali Cumar Guuleed iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey isu soo baxyada iyo soo dhaweynta xammaasadda leh ee shacabka degmada Faro-weyne ku qaabileen murrashaxa iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay shacabka ku dhiirriyeen inay xil weyn iska saaraan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen xisbiga waqtiga cod-bixinta la gaadho.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad kooban u jeediyey shacabka degmada Faro-weyne, ayaa bogaadiyey soo dhaweynta gacaltooyo ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay inay taageeradooda muujiyaan maalinta codbixinta la gaadho.


Sidoo kale, guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Waddo-makaahiil oo ka tirsan degmada Faro-weyne, waxana si meeqaamkeedu sarreeyo halkaas ugu soo dhaweeyey guud ahaan shacabka deegaanka Waddo-makaahiil oo ay horkacayaan wegen gammaan ahi, isla markaana ay wehelinayaan, cuqaasha, salaadiinta, Ugaasyada iyo waxgaradka deegaankaasi.


Shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta weftiga murrashaxa KULMIYE hoggaaminayo, ayaa ku tiraabayey erayo mac oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ka muuqatay xammaasad iyo taageero laxaadleh oo ay xisbiga ku garab taagan yihiin.
Ugaaska guud ee beesha deegaanka Waddo-makaahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane oo shacabka soo dhaweynta isugu soo baxay hadal kooban u jeediyey, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay bulshadu ku qaabishay murrashaxa iyo weftigiisa, waxana uu shaaca ka qaaday inay deegaan ahaan si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisaba.


Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare iyo Wasiirkii hore Sheekh Muxumed Suufi Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa hadallo dardaaran iyo duco isugu jira u jeediyey bulshada reer Waddo-makaahiil ee soo dhaweynta murrashaxa iyo weftigiisa isugu soo baxday.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey, ayaa ku bogaadiyey soo dhaweynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxana uu ka dalbaday in iyaga oo waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka tusaale qaadanaya ay codkoodana ugu deeqaan KULMIYE.
Deegaannada kale ee weftiga murrashax Muuse Biixi Cabdi hoggaminayo sida diirran loogu soo dhaweeyey waxa kamid ah Bandaramaan iyo Abaarso, waxaana magaalooyinkaasi ku soo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo ay ka go’an tahay sidii ay xisbiga iyo murrashaxiintiisa hiil iyo hooba ula garab geli lahaayeen.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka deegaannadan, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay muujiyeen iyo lexejeclada ay tuseen inay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Sunday, September 10th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho