BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
12 visitors online
Total visits: 554284
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr06:02
Shuruq07:43
Dhuhr12:56
Asr15:29
Maghrib18:08
Isha19:42


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay


Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo xilka laga qaaday


Waalidiintii Dhaley 20 Hablood Ee lagala Baxay School Boodhina Oo Warbaahinta la Hadley


Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Oo ka Hadley Hablo lagala Baxay School Boodhina


Xukuumada Somaliland Oo Sanadkan Joojisay Xuskii 18 May

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Tuesday, October 17th, 2017 | 11:23
[Friday, October 13th, 17] :: Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay 3 Buug Oo ka hadlaya Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland

Share |
news image

Hargeysa(RH)Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay 3 Buug ay qoreen Aqoonyahan reer Somaliland ah kana hadlaaya Taariikhda Faca weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqa dal ahaaneed ay u leedahay inay qaran jira oo dunida ka mid ah noqoto. Madal Shalay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa lagu qabtay, ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, ku daahfurtay 3 Buug ay qoreen rag Aqoonayahan u dhashay Somaliland kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin md Cabdiqani Axmed Xasan Goole, Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac iyo Garyaqaan Axmed Muuse, kuwaas oo qaray Saddex Buug oo Taariikhda Somaliland ee faca weyn iyo Sharciyadda caalamka u taala ee dalka cusub qaran loogu aqoonsan karo inay buuxiso ay ka hadlayaan Buugaagtani,

waxaana ka soo qaybgalay munaasibadan wasaaradda arimaha dibaddu soo agaasintay ee Buugagta lagu soo bandhigay masuuliyiin ay ka mid yihin Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo Madaxda, Hay’addaha kale ee ay xidhiidhka wada shaqayneed la leeyihiin wasaaraddaasi iyo masuuliyiin kale oo qaranka Somaliland xilalka haya.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland md Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed oo ugu horeyn ka hadlay Saddexda Buug ee Wasaaraddoodo soo bandhigtay iyo marxaladihii kala duwanaa ee diyaarintooda loo soo maray waxa uu yidhi “Xafladdani sida ku qoran warqadda ah Saddexda Buug in la soo bandhigo maanta ta macnaheedu waxa weeyaan uun in Dukumenti looga tago Somaliland iyo wasaaraddaba oo waxeenu aanu noqon uun wax afka layska yidhaahdo balse uu noqdo wax la tixraaco wax layska dhaxlo iyo wax marka aynu ka tagno Jiilba jiilka ka dambeeya uu sii akhriyo oo laysku sii gudbiyio , runtii waxa aad u mahadsan cid kasta oo ka qayb qaadatay soo diyaarinta saddexdan Buug ee qoraalkooda tacabka gelisay ee hawshooda qabatay wakhtigoodana u huray”

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland md Cabdiqani Axmed Xasan Goole oo isagu soo Bandhigay Buuga Gabood faladda ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha ee Sodonkii Sanno ee Somaliland ka tirsaneyd Somalia oo tafaasiil ka bixiyey Buugan uu qoray ee qaranka faa’iidadda u leh waxa uu yidhi “Buugan oo magaciisa la yidhaahdo (The Humaniterian Case) Buugani wuxu ka hadlayaa 30-kii Sanno ee Somalia aynu isku midka ahayn oo ah laga soo bilaabo 1960-gii ilaa 1991-kii ayuu buugani xambaarsan yahay, waxa uu diiradda saarayaa dabcan xaaladii Siyaasaddeed tii arimaha bulshadda dhaqaale ee dadka Somaliland ay kala kulmeen midawgii guul daraystay ee Koonfurta Somalia iyo dhibaatooyinkii tacadiyaddii iyo gabood faladii ay dadka reer Somaliland kala kulmeen ee ka dhanka ahaa xuquuqda Aadamaha ayuu buugan nuxurkiisu yahay”.


Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac oo soo bandhigay Buug ka hadlaaya Taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu isagu qoray oo halka ka hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Buugani wuxu ka hadlayaa in la sheego taariikhdii aynu kaligeen lahayn iyo in la sheego taariikh aynu lahayn, laakiin aynu la lahayn Somalia iyo inay jirto taariikhda u dambaysa oo ah inay jirto Taariikhda mid aynu kaligeen leenahay, marka saddexda waji ee Taariikhda Somaliland leedahay ayuu ka hadlayaa oo ina barayaa inana gaynayaa Buugani oo ka hadlayaa” Garyaqaan Axmed Muuse oo Aqoonyahan dayar ah oo isaguna qoray Buug nuxurkiisu yahay Sharcinimadda qaranka Somaliland iyo Sharciyadda kale ee Dunidda u yaala oo isaguna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Buugani wuxu ka hadlayaa qadiyadda sharcinimo ee jiritaanka Somaliland marka waxa uu eegayaa meelo kala duwan oo ay ku jiraan shuruucda caalamiga ah, iyo dhacdooyin si toosa u cadaynaya ama u waadixinaaya in qarankani Somaliland uu yahay qaran sharciyaddii caalamiga ahayd ee looga baahna in uu dal jira oo madaxbanaan noqdo dhamaystiray”.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ugu dambeyntii madashaasi Saddexda Muwaadin ee aqoonyahanka reer Somaliland Buugaagta ay qoreen ee taariikhda qaranka Somaliland iyo garnaqsiga inay Somaliland tahay dal jira ay ka qoreen lagu soo bandhigay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Siyaasadda dibaddu waxay ku fadhidaa afar tiir ama afar danood, xaga danaha marka laga eego midi waxa weeye Tiirka SIyaasadda waa mawqaf siyaasaddeed oo la qaato oo marka cid lagu qanciyo am acid lagu taageero, midina waa Tiirka dhaqaalaha, waa sidii loo kobcinlahaa xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya waddan iyo caalamka intiisa kale amaba sidii caalamka intiisa kale looga helilahaa Maalgelin , tiirka saddexaadna waa ka la xidhiidha nabadgelyadda iyo jiritaanka qaranimo ilaalintiisa amniga , tiirka afraadna waa Iskaashiga ka dhexeeya hay’addaha iyo wasaaraddaha xubnaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee waddamada marka waa afarta qaybood”

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Friday, October 13th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal