BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
14 visitors online
Total visits: 555760
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr06:57
Shuruq08:47
Dhuhr12:56
Asr14:40
Maghrib17:03
Isha18:47


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha


Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay saamiga la siiyey Itoobiya ee dekedda Berbera


Shirar hordhac u ah shirka London oo maanta dhacay

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Friday, November 17th, 2017 | 20:06
[Sunday, November 12th, 17] :: Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Oo si Wadajir ah Fariin Ugu Direy Bulshada Somaliland

Share |
news image

Hargeysa(RH)Saddexda murrashax madaxweyne ee xisbiyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa si wadajir ah baaq ugu jeediyey shacabka reer Somaliland inay si nabadgalyo ah u codeeyaan maalinta codbixinta ee maalinta Isniinta, waxaanay shaaciyeen inaanay jirin wax colaad ah oo dhexdooda taalla, isla markaana uu soo dhammaaday tartankii iyo ololihii muddada saddexda toddobaad ah soo socotay.


Saddexda murrashax ee xisbiyada Somaliland – Eng. Faysal Cali-waraabe, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan (Cirro) oo shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa , waxay shacabka ugu baaqeen inay wadajirka iyo isku duubnidooda ilaashadaan, isla markaana uu soo dhammaaday ololihii iyo xafiiltankii axsaabta dhexdeeda yaallay.


Ugu horrayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u sharraxay ujeeddada laga leeyahay doorashada juhdiga iyo waqtiga badan la geliyey, waxaannu tilmaamay inay doorashadani tahay farriin ay shacabka reer Somaliland kula garnaqsanayaan beesha caalamka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaynu doorashadan u gelaynaa oo dhibta intaa le’eg ee dhaqaale ee juhdi u maraynaa caalamka ayeynu kula garnaqsanaynaa, waxaannuna leenahay dadka Somaliland ma geyaan in indhaha laga laliyo oo ictiraafkooda gardarrao loogu diido ummadda waxaas oo tacab ah gashay, xaq bayna ugu leedahay, waana markii shannaad ee Somaliland doorasho gelayso oo ay ku muujinayso go’aankeeda qaranimo, midnimadeeda iyo horumarkeeda, maanta waa garnaqsi labaade codeeye ha u qaadan warqadda iyo codka aad ridaysaa inuu ku eegyahay qof aad dooranaysee qarankii baad hirgelinaysaa, taasina waxay kaaga baahantahay inaad si masuul ah uga qaybgasho doorashada.”


Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay inay saaxiib dhaw yihiin dhiggiisa murrashaxiinta ka ah xisbiyada kale, isla markaana ay dhug u leeyihiin muhiimadda ay leedahay degenaanshaha iyo wadajirka ummaddu, “Tartanka uma gelayno inaannu dalka wax yeellayno ee inaannu hore u marinaanu doonaynaa, tabta uun baana lagu kala duwan yahay, colna ma nihin oo rag saaxiibbo ah baanu nahay oo dad in badan soo wadashaqeeyey baanu nahay 15-kii sanno oo xisbiyadu jireenna saddexdayaduba waanu taagnayn, nin walbana annagaa tan uga lexejeclo badan, ninna tan naga waanin maayo oo dhibaatadeeda noo sheegi maayo oo dhibaatada aanu u soo marnay umuu soo marin,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.


Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isna bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay wadajirka iyo ammaanka ilaaliyaan, isla markaana aan loo baahnayn in shacabka dhexdiisa lagu abuuro cunfi iyo kala qoqobnaan, waxaannu yidhi, “Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay Ilaahay wuu qoray qofkii soo bixi lahaa, haddaad is dhaqaajiso iyo haddii aad ceeb samaysid waxba kama beddeli kartid go’aanka Ilaahay ee waxba ha is xiijinina oo caaddifad reereedda iska daaya, asluubta iyo magaca dalkeena iyo ka shacabkeena iyo sumcadda waddankeena inoo ilaaliya, tartankiina wuu dhammaaday oo hadda isku mid baanu nahay, waxaana naga go’an inaannu sharafta dalkayaga ka horraysiino wax kastaba, Huutuu iyo Tuutsina ma nihine hal qoys baynu nahay.”


Sidoo kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna dhankiisa dadweynaha u bayaamiyey in laga soo gudbay ololihii iyo xafiiltankii axsaabta, isla markaana muwaadiniinta looga baahanyahay in iyaga oo sharciga iyo degenaanshaha dhawraya ay u codeeyaan ciddii ay taageersanyihiin, “Ololihii doorashadu wuu dhammaaday, haddii ololihii dhammaadayna tarankiina wuu dhammaaday, waxaynu xaq u leenahay inuu muwaadin kastaa codkiisa dhiibto, muwaadinkuna xaq waxa uu u leeyahay hal cod, codkaasna waxa la doonayaa inuu si nabadgelyo ah ku dhiibto, xisbigii uu doonana ku taageero, haddii uu KULMIYE taageerayo, haddii uu UCID taageerayo iyo haddii uu WADDANI taageerayoba, wax tartan ah oo dambe oo naga dhexeeyaana ma jiro, go’aankana shacabkaa leh oo cidda aad doorataan baa madaxweyne dalkan ka noqonaysa,” ayuu yidhi Md. Cirro.


Ugu dambayntii, saddexda murrashaxba waxay si isku mid ah uga digeen dhawaaqyada dhiillada xambaarsan ee kasoo yeedhaya maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanay hoosta ka xarriiqeen inaanay aqbali doonin farogelin kasta oo maamulkaasi ku sameeyo xuduudda Somaliland iyo qarannimadeedaba.


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Sunday, November 12th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

DHAGEYSO: Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Madaxweyne Farmaajo ka hadlay mucaaradnimada lagu hayo dowladiisa


Madaxweyne Ku-Xigeenka S/land Oo lagu soodhaweeyey Gobolka Hawd


Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga