BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
9 visitors online
Total visits: 556957
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr07:31
Shuruq09:28
Dhuhr13:05
Asr14:25
Maghrib16:40
Isha18:31


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir


Wasarada Waxbarashada S/land Oo Go”aamo Adag Ka Soo Saartay Imtixaanaadka Shahadiga


Kooxda Muqdisho oo Guulo ka Gaartay Tartan ka Socda Nairobi


Dowladda oo sheegtay in 50 Shabaab in ay isku soo dhiibeyn


Wiil Soomaali ah oo dil ka geestay Australia


Xanuunka Shuban-Biyoodka Oo ka Dilaacay Gobolka Awdal


Boosaaso oo lagu qabtay gaari qaraxyo sida iyo labo nin oo la socday


Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho


Dad hor leh oo cudurka shubanka ugu dhintay Burco


Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Qaadhaan Ururin la Samaynayo 18-ka May


Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo Abaaraha

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Tuesday, December 12th, 2017 | 17:09
[Thursday, December 7th, 17] :: Gudida Nabadgelyada Golaha Guurtida Oo Shir la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

Share |
news image

Hargaysa(RH)Guddi-hoosaadka Arrimaha Nabadgelyada ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan xog waraysiya oo la xidhiidha arrimaha nabadgelyada dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa la yeeshay taliyaha Ciidammada Booliska Sareeye Gaas C/laahi Fadal Iimaan.


Kulankaasi oo Lagu qabtay xarunta taliska guud taliska booliska ee magaalada Hargaysa, ayaa taliyuhu waxa uu guddiga nabadgelyada Guurtidda uga xog waramay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda Hargaysa iyo hawlgaladii u danbeeyay ee dhinaca sugida nabadgelyada ee ay ciidanku sameeyeen.

Sareeye Gaas C/laahi Fadal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay arrimaha amaanka caasimadda iyo hawlgaladii ugu danbeeyay oo uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ay caasimadda ku hayaan Dhallinyaro kooxo ah. Waxaannu yidhi “Nin bani’aadam la raaciyay, oo rebesh uun loo diray, shaqadiisu daqiiqad ma leh, wakhti ma leh, saacad ma leh, fasax ma leh. Ciidanka boolisku way shaqaynayaan waanan u mahad celinayaa. Waxaanan aamainsanahay in ay yihiin naftood hureyaal bulshadda iyo qaranka Somaliland naftoodda u huray.”“Caasimadda waxaa ka jira kooxo Dhallinyaro ah, oo koox koox u dagaalama, ilaa saddexdii sannadood ee u danbeeyay. Xalay (habeen hore) oo u danbaysay, dhawr iyo sodon Dhallinyaro ah ayaanu qabanay oo ay ku jiraan qaar xukuman oo maqnaa ama la raadinayay, kuwaasoo saaka xabsiga lageeyay.

Waxaana taa ka marag furaysa in idinka laftiinu aad habeenkii iyagoo Ciidammada is eryana ay iskula soo kiin galaan guryaha. Iyadoo marka la soo qabta-na ay waalidkoodu ku odhanayaan, innankaygu masaajid ayuu ka soo baxay oo uu ka soo eedaamayay” ayuu yidhi taliyaha booliska.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dhallinyaradan kooxaha ah, waxay ku hubaysan yihiin Faashash iyo Mindiyo. Waxa kaloo ay samaysteen Tooshash aad nuurkoodu u badan yahay si ay ciidanka u wax yeeleeyaan oo ay u cawaraan, markay soo qabanayaan.”

Dhinaca kale Taliyaha Booliska ayaa fariin u diray waalidiinta caasimadda oo uu ugu baaqay in ay caruurtoodda ka war hayaan falalka ay ku jiraan. “Saddexdii maalmood ee u danbeeyay waxaanu ku qaadnay olole xoog leh, Dhallinyaro badan ayaana la qabtay. Waxaanu amar ku bixinay in xataa marka ninku ilmihiisa qabsan waayo, hadhow-na haddii wax ku dhacaan oo dhibaato gaadho wuxuu odhanayaa, booliska ayaa innankaygii wax yeelay, markaa waa in waalidku ay caruurtoodda qabsadaan.Arrintaasi gacanta ayaanu ku haynaa, waxaanay ka mid tahay hawl maalmeedkayadaga caadiga ah. mana ay suurto gasheen in aanu qabano kuwan aanu sharciga hor gaynayno ee aanu qabanay, haddii aanaan ka hor tag la samaynin, ”ayuu yidhi sareeye gaas C/laahi Fadal.

Ugu danbayn markii kulankaasi soo dhamaaday guddoomiyaha guddiga nabadgelyadda ee golaha Guurtidda xidhibaan Xirsi Ciise Jaamac, ayaa uga mahad celiyay taliyaha booliska warbixinta fiican ee uu ka siiyay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda.

Waxaanu yidhi “Guddiyadda golaha oo dhan waanu isugu yeedhi doonaa, wixii ka soo baxa-na waynu ka wada socon doonaa. Waanad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad warbixinta nooga siiseen”.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

posted on Thursday, December 7th, 17
Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Taarikhda Guduudo Carwo


Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho Muqdisho ku yimid


DHAGEYSO: Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Madaxweyne Farmaajo ka hadlay mucaaradnimada lagu hayo dowladiisa


Madaxweyne Ku-Xigeenka S/land Oo lagu soodhaweeyey Gobolka Hawd


Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay