BBC Somali

  11:00 GMT

  14:00 GMT

  18:00 GMT



Newsletter






Current Stats
16 visitors online
Total visits: 563294
View Stats
Job i Kolding område
Altaqwaa
Amin Arts
Koldingkommune
VOA
Geeska Afrika
Hadhwanaagnews
Misterwhat
Hiiraan Online
Hornafrik
Qarannews
Maktabada
Gabilley
CALANKA
Mudug-online
TvSleurope
Somaliland.org
Qorahey online
Radio Copenhagen
Radio Hargeysa
RTD- Djibouti
Shabeele
Somaliweyn
Somalitribune
Somalitalk
Somalilandnet
Togdheernews
Radio Hirad
HEESO NOOC WALBA LEH.
Afnugaal
Ducaale
All Puntland
Saacadaha dunida
Somalilandinfo
Youtube
Redsea-online
Aflax
Kolding Byrådes debat
SDWO
Ramaasnews
Harowo
oodwaynenews
Radiofreesomalia
Goljano
Hiiraanlive. New
Warya TV
Haatuf
Radio Warsan
Jamhuuriya
DR Nyheder
Dhegayso EAVAFM
Somalimediastation
HALBEEG NEWS
washaaqo.com
Wardheernews
SSE Website
Hiiraanlive. New
bclub19. New
Qumaati. New
WAASAN
SS Alberta-Canada
HARGEISA SPORTS

Waqtiga Salaada
SalaadaCopenhagen
Fajr02:52
Shuruq04:43
Dhuhr13:08
Asr17:31
Maghrib21:31
Isha23:13


Madaxtooyada S/land Oo ka Hadashay Mudahaarad ka Dhacay Gabiley


Maamulka Gobolka Sanaag Oo ka Hadley Xaalada Nabadgalyo ee Gobolkaasi


Ceelbiyood Laga Hirgalindoono Gobolka Hawd Oo la Daahfurey


Duqa Minneapolis oo ka hadashay dilka askari dilkii Justine Damond


Gudoomiyaha Waddani oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Balli-gubadle


Dhageyso: Khudbadda madaxweynaha uu u jeediyey Baarlamaanka


Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyey inuu Xanuun U Jiifo


Akademiyada Cilmiga Soomaaliya iyo Suugaanta iyo 40 Jaamacadood oo Muqdisho ku kulmay


Air Arabia oo Duulimaad ka Billowday Hargeysa


Ninkii Dilay Wasiir Cabaas oo Dil lagu Xukumay


Dowladda Soomaaliya oo qabatay madixii amniyaadka Shabaab ee gobalka Banaadir

Wargelin: Latest news from Denmark and the rest of the world - Newsletter - - -
Hormuud News     Wednesday, May 23rd, 2018 | 01:39
[Sunday, February 4th, 18] :: Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Barnaamij Lagu Diiwaangelinayo Gaadiidka Dawladda

Share |
news image

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay Barnaamij lagu tiro koobayo gaadiidka dawladdu leedahay (GT) ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee xukuumadda, kaas oo laga ibo-furay xarunta madaxtooyada.

 

Munaasibadda daah-furka barnaamijka lagu diiwaangelinayo gaadiidka dawladdu leedahay oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku, ayaa maanta lagu daah-furay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, agaasimayaasha madaxtooyada iyo wasaaradda Gaadiidka, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid).

 

Hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladdu leedahay oo laga hirgelin doono dhammaanba hay’adaha kala duwan ee dawladda, isla-markaana safka hore kaga jirta qorsheyaasha xukuumadda madaxweyne, Muuse Biixi ee Boqolka maalmood ee muddo-xileedka madaxweynaha, ayaa waxa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaana uu yidhi, “Inaga oo ka duulayna siyaasadda gaadiidka ee hore loo ansixiyey waxaanu go’aansanay in tiro-koobka loogu horraysiiyo gaadiidka dawladda, kuwa gaarka loo leeyahayna waanu tiro-koobi doonaa insha allah, habka aanu wax ku tiro koobaynaana waa hannaan awood inoo siinaya in aanu muddo shan daqiiqo ka yar ku ogaano tirada guud ee gaadiidka dawladda meel kasta oo ay joogaan, waxa kale oo uu xog inaga siinayaa gaadhiga xaaladdiisa inuu shaqaynayo iyo inuu fadhiyo, si loo xaraasho ama loo kiciyo, waxaana ay shaqadani socon doontaa muddo 28-maalmood ah.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan u xilsaaran yihiin diiwaangelinta Gaadiidka dawladda iyo dayac-tirkoodaba, “Wasaarad kastaa u haysato inay gaadhiga u shaqeeya iyadu gaar u leedahay, annaguse waxaanu caddaynaynaa in aanay sidaasi shaqayn doonin, wasaaradda Gaadiidkuna iyada ayaa gaadiidka dawladda masuul ka ah, kolba hay’adda ama wasaaradda gaadhi u baahan baanu eegaynaa, siyaasaduna waxa ay na faraysaa inay wasaaraddani u xilsaaran tahay dhammaan gaadiidka dayac-tirkooda iyo ilaalintoodaba,” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hawshan daah-furay, ayaa tilmaamay in tallaabada Gaadiidka dawladda lagu tiro-koobayaa qaranka faa’iidooyin badan u leeyahay, isla markaana, lagu kala saari doono xaaladaha ay ku sugan yihiin gaadiidka dawladdu iyo baahiyaha ay qabaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaanu caddaynaynaa in maanta la bilaabay diiwaangelintii gaadiidka dawladda, iyada oo looga gol-leeyahay in la ogaado inta gaadiid rasmi ah ee qaranku leeyahay, wixii shaqaynaya iyo waxa aan shaqaynin, si xagga dhaqaalaha loogu xisaabtamo oo intii gaadiid dambe kharash la gelin lahaa gaadiidka qaranku haysto lagu xisaabtamo oo wixii la dayac-tiri karo la dayac-tiro, wixii khadka ka baxayna waddadii xaraashka ahayd la mariyo, waan sharci hore u jirey oo ay xukuumaddan cusubi qaadatay in la fuliyo.”

 

Mudane Saylici waxa uu faray dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda inay wasaaradda gaadiidka gacan ka siiyaan hawsha ay ku diiwaangelinayso gaadiidka dawladda, waxaana uu tallaabadda hawshan lagaga bilaabay xarunta madaxtooyada ku sifeeyey mid muujinaysa sida xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi arrintan muhiidda gaar ah u siinayso, “Sababta tiro-koobka gaadiidka dawladda looga bilaabay madaxtooyadu waa mudnaanta ay hawshani leedahay, dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha qarankana waxaan farayaa inay hawsha u fududeeyaan wasaaradda loo xilsaaray iyo kooxda ka shaqaynaysa,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Agaasimayaasha guud ee Madaxtooyada, Marwo Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ay hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladda ku tilmaamay mid qaranka horumarkiisa lagaga shaqaynayo, isla-markaana lagu sugayo xogta guud ee gaadiidka qaranku leeyahay.


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland 

posted on Sunday, February 4th, 18
Wariye Maxamed jiciir Aw Axmed
  |  Daabac Boggan email ugu dir saaxiib

Kullan tallo urursi ah oo ku saabsan habka looga takhalusi karo xaafadaha Ghetto da ah ee Kolding


Xildhibaan Abdirashiid oo ka tirsan gollaha degaanka ee Odensa


Qorshaha xaafadaha Ghetto da ee degmada Kolding


Cabdi Bile oo xaflad soo dhaweyn loogu sameeyay Muqdisho


Taliyaha ciidamada xoogga oo ka warbixiyey ciidamo ku dagaallamay Muqdisho


Xukuumada Somaliland Oo Mamnuucday ka Ganacsiga Diinka


Maxkamadda ICJ oo garsoore Soomaali ah u dooratay Madaxweyne


Ururka S/land Mental Health Support Org. Oo Deeq Gaadhsiiyey Cispitaalka Dhimirka Hargeysa


Taarikhda Khadiijo Cabdullaahi Daley oo Toronto ku geeriyootay


Hees cusub . Dardaaranka Madaxseynaha cusub. abwaan Rashiid Siyaad


Taarikhda Guduudo Carwo


Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho Muqdisho ku yimid


DHAGEYSO: Guddiga doorashada Somaliland oo ka hadlay tirinta codadka


Madaxweyne Farmaajo ka hadlay mucaaradnimada lagu hayo dowladiisa


Madaxweyne Ku-Xigeenka S/land Oo lagu soodhaweeyey Gobolka Hawd


Dowladda oo shaacisay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkii Soobbe


Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyey


Xafiiska tallo bixinta dhaqaalaha ee Kolding


Madaxweynaha Somaliland Oo Waraysi-Siiyey Warbaahinta Dowlada


Wasiir Xukuumada Somaliland ka Difaacay Eedo loo Jeediyey