 Ivory Coast (HWN):-jariirada Caanka ah ee EMEA Finance magazine oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa waxay soo bandhigtay sanadkii tagay ee 2009 Bangigii ugu fiicna Bangiyada Qarada Africa ku yaala oo noqday (CEO) qaybtiisa Ivory Coast iyo Galbeedka Afrika oo uu ku guulaysatay kaalinta koowaad "Best Bank in African Banking Achiements Awards", bankigii ugu fiicnaa ee kaalinta koowaad galay. Kaas oo uu madax ka yahay nin Soomaali ah, gaar ahaana ka soo jeeda reer Somaliland oo ah, aqoonyahan iyo Abwaan waa Jamaal Cali Xuseen.
Jariiradan ayaa waxay maqaalkan ku daabacday doraad oo ay taariikhdu ahayd 3 Feb 2010 Boogeeda hore,waana markii ugu horeysay taariikhda ee Baanka Citibank qaybtiisa Cote d'Ivoire ay ku guulaysatay BEST BANK 2009, muddo 34-sanadood ah oo uu ka shaqeeynayey waddamada galbeedka Afrika oo uu ku guuleystay kaalinta kowaad, kadib markii uu kaga guuleystay Bangiyo aad u tiro badan oo laga wada leeyahay caalamka oo dhan oo halkaasi ku yaala.
Munaasibad balaadhan oo lagu weynaynayey Kaalinta kowaad ee uu ku guuleystay baanka Citibank qaybtiisa Cote d'Ivoire [BEST BANK,] ayaa waxa Shalay Lagu qabtay magaalo madaxda dalka Ivorcoast ee Abidjan, halkaasi oo Madaxii baanka oo uu ahaa Jamaal Cali Xuseen lagu gudoonsiiyey Abaal marinta kaalinta koowaad ee caalamiga ah (BEST BANK AWARD), Jariirada caanka ah ee EMEA Finance magazine, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sanadkiiba xusha Baananka ugu fiican qaarada Afrika oo tiradoodu ay kun ka badan tahay. xataa Bangiyada gobolada Bariga Dhexe, Afrika, iyo Yuruba.
Taariikhda Baanka Citibank oo muddo 34 sanadood ka shaqeeynaayey waddamadan galbeedka Afrika, waa markii ugu horeeysay ee ay ku guuleystaan kaalintan, sababtoo ah Baananka Faransiiska oo halkan gumeeysan jiray ayaa inta badan qaadan jiray kaalintan, kuna leh xidido 100 sanadood kor u dhaafay, maadaama Bangigan Citibank ee uu Jamaal madaxda ka yahay uu yahay Bank laga leeyahay wadankaasi Maraykanka, Sidaa waxa Daabacday Jariirada EMEA Finance magazine
Si kastaba ha ahaate, Hogaamintii Jamaal Cali Xuseen iyo dedaalkiisii waxay sharaf u soo jiideen Baankiisii, ummada Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan reer Somaliland, iyo weli-ba waddankan uu ka shaqeeyo isagoo taariikh ka dhigay sannadkii 2009-kii kaasoo ay taariikhda Baananka ka dhaceen maal-gelintii ugu badneyd, ama labadii deal ee ugu waa-weeynaa, oo qaar ka mid ah deymo balaayiin Dolar ah lagaga saamaxay waddanka Ivory Coast sidaa waxa cadeysay jariirada EMEA Finanace ee halkan sawirkeedu ku lifaaqan yahay, fikradeedana uu lahaa Jamaal iyo Bangigiisu. Iyadoo ay caalamka ka jirto dhaqaale bur-bur sanadihii u danbeeyay, ayaa haddana kaalintaa hogaanimo wuxuu Jamaal macaashkii Baankiisa kor u kiciyey sanad qudha 50%, isagoo in badan laban laabay dhaqaalahii bangiga ee saddexdii sanadood ee u ka shaqeeynayey waddankaasi. Waxaa kaloo igu maqaalo ah inuu kaalintan oo kale u horseeday Bangigiisa waddamada qaar uu ka soo shaqeeyay sida waddamada Bahamas, Kenya, iyo Trinidad and Tobago.
Arrinkan ayaa waxaan ogaaday markuu Jamaal Cali Xuseen ku soo bandhigaayey buuggiisii Diiwaanka Qosolka magaalooyinka Hargeysa iyo DJibouti ka dibna xogteedii Jamaal weydiistay, go'aana ku gaadhay inaan wax ka qoro si aan dhalinyarada ugu hoga tusaaleeyo in qofku dhowr shay oo noloshiisa ka mid ah isku barbar wadi karo, guulna ka soo hoyn karo dhamaantood. Jamaal Cali wuxuu inoo muujiyey taasi suurtagalkeeda isagoo ina tusay inuu kaalinta kowaad ka galay shaqadiisii taariikhna ku reebay waddamadaasi, isagoo taariikh kale reebay oo qoray Buugga Diiwaanka Qosolka isla sanadkaasi 2009, iyo isagoo xagga suugaanta qudheeda u ban baxay oo heeso Album dhan iyo qaar kale-ba sameeyay weliba Gabayo iyo Maansooyin-ba ku daray isla sanadkaasi 2009. Jamaal Cali waa Aqoonyahay, Maanso-yahan, Qosol-yahan, Qoraa-Yahan, iyo qaar badan oo kale. Safarkiisii dhowaan uu waddanka ku maray wax weyn buu ka badelay dhalinyaradii waddanka, isagoo kulano gaar ah la yeeshay ilaa dhalinyaro kuwa ugu yar-yar ilaa madaxda waddanka kuwa ugu waaweeyn sida Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, wasiiro, baayac-mushteri, dhalinyaro, iyo Abwaaniin.
Waxaan goob joog u ahaa isla markaana waxay dadku Sheegeen kulankii uu Jamaal la yeeshay ardayda Jaamacada Hargeysa uu ahaa kulankii ugu dadka badnaa ee ay ardayda jaamacadu isugu soo baxdo. Habeenkii Qosolka iyo Hargeysa ee hoteel Maansoor ee ay Naadiga Akhristeyaashu u soo qaban-qaabiyeen Jamaal, Dec 17keedi, 2009, wuxuu ahaa kulan xafladeedkii ugu dadka badnaa ilaa taariikhda hoteel Mansoor iyadoo tiradii dadku ay kor u dhaafeen 1,000 qof.

Maxaad ka Taqaana Shakhsiyada Jamaal Cali Xuseen:
Jamaal Cali Xuseen waa nin weli dhalinyaro ah, kana soo baxay Jaamacada ugu caansan dalkaasi Maraykanka, Harvard University, waa shakhsi ah La Higsade, iyo Hogaamiye oo ay dhalinyarada Soomaalida oo dhan gaar ahaan kuwa reer Somaliland ku dhaataan. Jamaal waxa kale oo uu safar ku tagay waddanka Jabuuti oo si weyn loogu soo dhoweeyay, Mar aan khadka Tlifoonka kula xidhiidhay waxa uu Jamaal ii sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo dhamaan ummadda reer Jabuuti, gaar ahaan dawladeeda iyo madaxdeeda. Hadaba Waxaan Su’aal weydiin lahaa aqoonyahan Jamaal sida uu waxan oo dhan isugu qabto?
Gunti iyo geba gabadii Waxaan rajaynayaa inuu maqaalkani dhalinyarada Soomaaliyeed siin doono yidi-diilo,iyo dhiiri-gelin weliba oo ay maqaalkan kaga nasan doonaan wararka walbahaarka ah ee mar walba ina wareeriya. Waxaan qirayaa inay jiraan dad Soomaaliyeed oo sidaa Jamaal Cali Xuseen iyaguna guullo la taaban karo ka soo hooyey dhinacyo badan oo nolosha ka mid ah. Waxaa jira oo aan leeyahay fadlan u soo gudbiya boga Shabakada Hadhwanaagnews wararka fiican ee aad ka heshaan dadka Soomaalida ee la nool tihiin si ay u noqoto mid loogu daydo, oo tusaale ugu noqdaan ummada. Maaha inaynu wararka xun uun daabacno.
Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe- Jannaale]
Reporter Hadhwanaagnews
Jabuuti.
|